Diseases and Conditions > Qaybta Su'aalaha
Su'aal: Faahfaahin iga siiya raynaud's syndrome?
(1/1)
Abdulrahman:
Asc marka hore waad salaman tihiin asc marka xiga waxaan rabaa inaad talo guud iyo faahfahin iga sisaan Raynaud’s Syndrome Markuu qabowga imaado waxaan isku arkaa faraha oo dhiiga tago maxey tahay talada ugu haboon iyo wax yaabaha fududeeyo arinkaas iyo waxa looga hortagi karo Masanidin
SomaliDoc:
Waa isbadalka faraha, sanka foodiisa iyo dhegaha laga dareemo xilliyada qaboobaha, dhibkane wuxuu ka dhashaa xididada dhiigga siiya meelahaas oo ciriir noqdaan qabowga dartiis, waxaa looga hortagaa in gacmo gashi la xirto iyo koofiyad illaa dhegaha daboolayso, haddii aysan dhicin waa in aad si degdeg ah isku qandacisaa haddii aad isku aragtid kabuubyo iyo midabka farahaaga oo isbadalayo, haddii kale oksajiinta ayaa ka xirmayso waana halis.
Navigation
[0] Message Index
Go to full version