Author Topic: Su'aal: Jilibka ayaa xanuunaayo illaa yaraantiisa?  (Read 169568 times)

0 Members and 1 Guest are viewing this topic.

Offline Tajudin Ahmed

  • Newbie
  • *
  • Posts: 1
  • Points: +0/-0
Su'aal: Jilibka ayaa xanuunaayo illaa yaraantiisa?
« on: January 11, 2019, 12:16:59 AM »
asc wr wb walaayal dhaqtarka waxaan rabaa inaan waydiiyo su aal ah
waa inan 17 jir ah waxa xanuunayo jilibka ilaaa yaraantiisii wuu bararayaa siiba Marka uu istaago sidoo kale uu shanqarayaa markuu laabo hadana aw fidiyo ee uu ku celceliyo sidoo kale caadi sida lugta kale Uma fidayso umana laabmayso  markaaa dhoktor maxaa sababay waalidkiisuna waxay dhahaaan waa nabur yaraantiisii soo gaaray imika lugtu way bararsantahay markasta mahad sanid doctor




Offline SomaliDoc

  • Moderator
  • *****
  • Posts: 4709
  • Points: +3/-1
  • Gender: Male
  • Ilaahayow Dal Nabad Qaba iyo Dad Caafimaad Qaba!
    • Somali Medical Association
Re: Su'aal: Jilibka ayaa xanuunaayo illaa yaraantiisa?
« Reply #1 on: August 25, 2019, 01:25:39 PM »
Jilbo xanuunka waxyaabo badan ayaa keena, laakiin markii lagu arko qof da' yar waxay noqon kartaa wax ka dhashay dhaawac ama jug hore, infekshan kalagoyska galay, xanuunka roomaatiisamka ee caruurta ku dhaca, waa muhiim in dhakhtar specialist ah la tusiyaa cunugaas si jilibkiisa loo badbaadiyo haddii kale dheecaanka ayaa ka dhamaanayo, carjawda lafaha kala celinayso ayaa burburayso, kadibne lafaha ayaa is xoqaayo, laabitaanka iyo fidinta ayay joojin doonaan, markaasne xalka kaliya waa in jilibka la badalaa...
Abdullahi M. Mahdi waa dhakhtar soomaaliyeed oo ku takhasusay Cudurada Guud (Internal Medicine) Cudurada Faafa (Infectiouse Diseases) iyo Cudurada Dhulalka Kuleylaha (Tropical Medicine), Sidoo kale waa Qoraa si joogto ah bulshada uga wacyi galiyo bogga "SomaliDoc.com" oo uu aasaasay bilawgii sanadka 2007.

Igala Soco: