Diseases and Conditions > Qaybta Su'aalaha
Su'aal: Cunug sanad kayar caano lo' masiin karaa?
(1/1)
Laylafuad739:
muhiim miyaa ilmo sanad kayar caano booro lasiiyo
SomaliDoc:
Waxay badanaa dhakhaatiirta ku taliyaan in caanaha lo'da lagu bilaabo caruurta markay 12 bilood u dhamaato sababtuna waa 4 arrimood:
1- Caanaha lo'da waxaa ku yar macdanta birta oo muhiim u ah korriimada caruurta, haddii ay waayaanne dhiigyari u keenta.
2- Caanaha lo'da boqolkiiba 7% caruurta waxay ku yihiin Allarji.
3- Caanaha lo'da waxaa ka buuxo borotiin, soodyam iyo bootaasiyam kuwaasoo kilyaha yaryar ee nuunaha aysan xamili karin.
4- Caanaha lo'da oo bilaha hore lagu bilaabo dhallaanka wuxuu boqolkiiba 40% dhaawacaa mindhicirrada "microscopic gastrointestinal bleeding".
Waa muhiim in hooyadu ay nuujisaa cunugeeda, sababtoo ah faa'idooyin badan ayaa ugu jira ee ka akhriso qoraalkaan: http://somalidoc.com/smf/index.php?topic=382.0
Navigation
[0] Message Index
Go to full version