Author Topic: Su'aal: We wax uur ah iima yeelan 2 sano kadib?  (Read 5431 times)

0 Members and 1 Guest are viewing this topic.

Offline Kaariye

  • Newbie
  • *
  • Posts: 2
  • Points: +0/-0
Su'aal: We wax uur ah iima yeelan 2 sano kadib?
« on: January 20, 2019, 03:49:16 PM »
Asc Dr
waan Salaamayaa Walaalaha Somlidoc Alle ha idinka Jasaai' siiyo sida aad noogu Faa'iidaysaan Salaan ka dib
Walaal Muddo ayaan Xaas leeyahay ilaa 2 Sano ah. 4 Bilood ka hor na Guri ayaanu wada degenayn weli na wax Uur ah iima yeelin Alxamdulilah. Wll Dhabarka ayaa aad u xanuuna Xaaskayga, Dhabarka laga bilaabo ilaa Miskaha aad bay u xanunaan. sidoo kale Galmada ayaa aad u Dhibta oo waxa Jira Vagina Dryness Madax Xanuuna way leedahay. Dhawr Dhakhtar bay Tagtay Illaa Ethopia Haddana Mid kas taba wax ba k uma hayaan bay i dheheen. Dhawr Baadhis iyo Scans la saaray ba waa Negative in yar oo Infection ah baa mid kood ku sheegay oo aan badnayn.
Islaan Duq ah ayaa ku tiri Madheeli baa ku haya iyo XIDID! oo waa lagaa gubayaa ama waan ku Duugayaa! weligay na maan maqal Labadaas Xanuun. DR hadaba Waxaan ku waydiin lahaa Labadaas Xanuun maxaad kala socotaa ee la Gubo ama la Duugo? sidoo kale maxaad igula talin lahayd Si aan Xaaskayga u daweeyo? Xaaskii Xagga Sariirta iyo Xagii Niyadaba waanu isla Cadilanahay Fadlan Talo isii
Mahadsanid




Offline SomaliDoc

  • Moderator
  • *****
  • Posts: 4709
  • Points: +3/-1
  • Gender: Male
  • Ilaahayow Dal Nabad Qaba iyo Dad Caafimaad Qaba!
    • Somali Medical Association
Re: Su'aal: We wax uur ah iima yeelan 2 sano kadib?
« Reply #1 on: November 24, 2019, 02:21:32 PM »
Walaal talo dhameestiran waxaan ku siin karnaa markaan aragno baaritaannada aad samaysay nuucooda iyo jawaabaha ka soo baxay, midda ku saabsan mindheeli iyo xidid oo waa la gubayaa ama waa la duugayaa waa arrin aan waxba ka jirin oo dadka wax sanceeya ku shaqeystaan, midda kale haddii uur la'aan ay jirto waxaa habboon in labadiinuba isbaartaan, midda kale waraysi dheer ayaad u baahan tahay iyo in warqadahaasi aan aragno sidaa awgeed, waxaad nagala soo xiriir qeybta farriimaha ee boggeena Facebook: https://www.facebook.com/HealthySomalia/
Abdullahi M. Mahdi waa dhakhtar soomaaliyeed oo ku takhasusay Cudurada Guud (Internal Medicine) Cudurada Faafa (Infectiouse Diseases) iyo Cudurada Dhulalka Kuleylaha (Tropical Medicine), Sidoo kale waa Qoraa si joogto ah bulshada uga wacyi galiyo bogga "SomaliDoc.com" oo uu aasaasay bilawgii sanadka 2007.

Igala Soco:
   


 

Su'aal: kaadida oo tifiq-tifiq iga imata markan foorarsado kadib xaajada suliga?

Started by Dhool-yareBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 13515
Last post May 01, 2017, 09:50:00 AM
by SomaliDoc
Baaritaan Caafimaad Kadib, Tuubadda Kaadi mareenka, Caabuq Xannuun ayaa Jira?

Started by AbdirizakBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 41847
Last post April 16, 2013, 01:40:49 PM
by SomaliDoc
Su'aal: Waxaa in muddo labo sano ah isku arkay dhago culays?

Started by Hassan45Board Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 6979
Last post September 22, 2015, 01:36:10 PM
by SomaliDoc
Su'aal: dhowr sano ayaan isku arka qanjiro iskaa kee bararaya?

Started by Cariif2020Board Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 18128
Last post July 16, 2016, 02:09:51 PM
by SomaliDoc
Su'aal: Markaan biyo badan cabo ilaa (750 ml) waxyar kadib kaadi baa iqabanaysa?

Started by Mohamed AbdirizakBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 3
Views: 18459
Last post September 04, 2016, 07:49:05 PM
by SomaliDoc