Diseases and Conditions > Qaybta Su'aalaha

Su'aal: Waxaan xanuunsadaa caadada ka hor?

(1/1)

Amranqaaali:
Asc su'al doctor waxa raba ina warbixin iga siiso kaninkan (Dydrogesteron) wakas magacisa doctor waxa isku arkay ina xanunsanayo cadada ka hore lugaha iyo madaxa buqa wu idhiba xata cadada ka dib sidas aya si ahanaya marka kaninkas aya la iso qoray waxa raba ina ishegto wuxu taro jazakallah doctor

SomaliDoc:
Waa dabiici in xilliga caadada ka horayso ay haweenka qaar isku arkaan niyadjab, dulqaad yari, xanaaq, naaso xanuun iyo astaamo kaloo badan, waxaana xaaladaas loo yaqaanaa "pre-menstrual syndrome", faahfaahintiisa ka akhriso qoraalkaan oo aan horay uga hadlay: http://somalidoc.com/smf/index.php?topic=6345.0

Waxay cilladaan salka ku haysaa, isbadallada hormoonka jirkaaga, daawadaasne waxay saxdaa hormoonadaas, laakiin marka hore aqoon u yeelo xanuunkaan iyo siyaabaha dabiiciga ah ee loo la tacaali karo.

Navigation

[0] Message Index

Go to full version