Author Topic: Bararka / Kacsanaanta Xididada Dhafoorka  (Read 32816 times)

0 Members and 1 Guest are viewing this topic.

Offline SomaliDoc

  • Hero Member
  • *****
  • Posts: 4709
  • Points: +3/-1
  • Gender: Male
  • Ilaahayow Dal Nabad Qaba iyo Dad Caafimaad Qaba!
    • Somali Medical Association
Bararka / Kacsanaanta Xididada Dhafoorka
« on: March 06, 2019, 09:03:12 PM »

Bismillah,

Waxaan casharkaan maanta kaga hadli doonnaa kacsanaanta ama bararidda xididada wajiga khaasatan dhinacyada ama dhafoorrada.

Sida aan wada ognahay, xididada waxaa loo qeybiyaa laba nuuc, mid dhiigga xubnaha geeyo, loona yaqaano halbowle "Artery" iyo mid dhiigga ka soo celiyo xubnaha loona yaqaano arooriye "Veins".

Bararidda Arooriyaasha Wajiga
Xididada badanaa wajiga ka soo muuqdo labadaas mid ayay noqon karaan, haddii aan ku bilaabo bararidda arooriyaasha wajiga waxaa ku timaadaa dhowr arrimood oo kala ah:

  • Duqnimada: qofka markuu waayeel noqdo, maqaarkiisu wuxuu noqdaa khafiif, dufanka jirkiisa ku jirtane way yaraataa sidaa darteed waxaa soo muuqdo xididada maqaarka hoostiisa mara, taasi wax dhib ah maahan, daawane uma baahno, qofkane wax dhib ah kuma hayso.
  • Miisaan yarida / caatannimada: sidoo kale caatannimada ama nafaqo darrida waxay keentaa in dufanka wajiga ay baaba'do, qofkane uu yeesho gooman ama lafaha daanka ay soo muuqdaan, meesha dhafoorkane ay god noqoto, sidasne ay xididadaas arooriyaasha ku soo muuqdaan, tan xalkeedu waa inuu qofka is nafaqeeyaa, miisaankiisane wax ku daraa.
  • Welwelka iyo kacsanaanta: midda ugu badan ee keenta inay xididada marne soo muuqdaan, marne qarsoomaan waa stress-ka, welwelka, cabsida, fakarka badan, waana sababta ay aad ugu soo baxaan xilliyadaas, ka hortaggeedu waa inuu qofka hurdo ku filan helaa, hadduu stress qabane dhakthar la xiriiraa si daawo looga siiyo, hadduu balwad isticmaalane uu ka fogaadaa sida sigaarka iyo jaadka.
  • Dhiig-karka: markuu cadaadiska dhiigga sare u kaco, xidiada waxaa ka buuxsamo qulqulka dhiigga, taas ayaana keento inay xididadaas soo muuqdaan, qofka hadduusan horay iskugu ogayn bararka xididadaan waa inuu dhiigkarka iska cabbiraa si arintaas looga shakki baxo.
  • Madax xanuunka: "Tension Headache" waa nuuc ka mid ah madax xanuunka, wuxuna badanaa ka dhashaa kacsanaanta murqaha wajiga iyo qoorta, wuxuu xiriir weyn la leeyahay stress-ka, waxaa lagu yaqaanaa madax xanuunkaan in xididada dhafoorka inay kacaan, haddii qofka qoorta iyo wajiga loo daliigo, bararka xididada way qarsoomaan, qofkane nafis ayuu dareemaa, faahfaahinta madax xanuunkaan iyo waxa uu kaga duwan yahay madax xanuunada kale ka akhriso link-gaan: http://somalidoc.com/smf/index.php?topic=298.0
  • Hurdo yarida: hurdada iyo soo jeedka badan waxay keentaa kacsanaanta dareensidayaasha jirka, taasian waxay ka qeyb qaadataa inay xididada wajigaaga soo muuqdaan, waxaa taasi lagu xallin karaa inuu qofka helo hurdo ku filan. faahfaahinta dhibaatooyinka dhafarka ka akhriso qoraalkaan: http://somalidoc.com/smf/index.php?topic=6186.0
  • Xanaaqa: wuxuu si ku meel gaar ah u soo muujiyaa xididada wajiga wajiga iyo margiyada markuu qofka xanaaqo, taasina waa isbadal dabiici ah oo jirka ku dhaco maadaama cadaadiska dhiigga uu kaco xilligaas.
  • Uurka: Isbadallada ku dhaca jirka hooyada uurka leh waxaa badanaa sabab u ah heerka hormoonada jirkeeda oo isbadala, hormoonka estrogen iyo progesterone waxay waasiciyaan, dabciyaanne arooriyaasha jirka sidaa darteed waxay hooyooyinka qaar isku arki karaan xididada maqaarka hoos mara inay soo muuqdaan xilliga uurka, taasina waa arrin kumeel gaar ah, wax dhib ahne ma keento.
  • Cadaadiska feeraha: dadka qaar markay aad u qoslaan, hindhisaan ama matagaan ama jimicsi sameeyaan, waxaa cadaadis soo fuula xididada waaweyn ee qalfoofta feeraha ka hooseeya, taasina waxay keentaa in xididada wajiga soo muuqdaan, taasi waa arrin dabiici ah, mana ahan wax laga welwelo.
  • Burada dhuunta (Goiter): bararka qanjirka thryoid-ka iyo burooyinka kale ee dhuunta ka soo baxo waxay cadaadis saaraan xididada qoorta taasina waxay keentaa in xididada wajiga inay bararaan, weliba markuu qofka fooraarsado, haddii qofka calaamadahas isku arko waxaa haboon inuu dhakhtar la xiriiro khaastan haweenkeena aad ayay ugu badan tahay, faahfaahinta arintan ka akhriso qoraalkaan: http://somalidoc.com/smf/index.php?topic=5559.0

Balbalka Halbowlaha Dhafoorka (Temporal Arteritis)
Cilladaan waxaa badanaa lagu arkaa dadka da' dhaxaadka iyo duqowda, waa cillad aan badanaa lagu baraarugsaneyn, madax xanuun ahaanne badanaa loo daaweeyo, waxay cilladaan ka dhalataa halbowlaha dhafoorka ee loo yaqaano "Temporal Artery" inuu jirrado ama balbalo, taasi waxay keentaa madax xanuun siyaado ah lagana dareemo illaa daanka, aragga isha oo daciifto, qandho, danqasho ama xanuun basada ah iyo daal badan, cilladaan waa in si dhakhso ah loo daaweeyaa si loo siiyaa daawo loogu tala galay si aragga sii daciifayo loo badbaadiyo, sababtoo ah xanuun baaba'iyeyaasha caadiga ah wax wayn kama taraan xanuunkaan.

Wixii faahfaahin dheeraad ah oo ku saabsan casharkaan ama haddii aad qabti su'aalo la xiriira, waxaad igala soo xiriiri kartaa qeybta messages-ka ee boggeena Facebook: https://www.facebook.com/HealthySomalia/

Inta xanuunsan Allaha caafiyo, mahadsanidiin.


Abdullahi M. Mahdi waa dhakhtar soomaaliyeed oo ku takhasusay Cudurada Guud (Internal Medicine) Cudurada Faafa (Infectiouse Diseases) iyo Cudurada Dhulalka Kuleylaha (Tropical Medicine), Sidoo kale waa Qoraa si joogto ah bulshada uga wacyi galiyo bogga "SomaliDoc.com" oo uu aasaasay bilawgii sanadka 2007.

Igala Soco:
   


 

Waa maxay cillada naaso bararka ragga "Gynecomastia"?

Started by SomaliDocBoard Cudurrada Guud

Replies: 4
Views: 71747
Last post December 11, 2017, 11:50:07 PM
by Xalane123
Su'aal: Cilada naaso bararka runti dhib weyn ayaan ku qabaa?

Started by Dada AmiinBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 24204
Last post October 31, 2016, 04:11:20 PM
by SomaliDoc
Xinjirowga Xididada Lugaha / Deep Vein Thrombosis (DVT)

Started by SomaliDocBoard Cudurrada Qaliinka

Replies: 0
Views: 83311
Last post September 02, 2008, 09:48:55 AM
by SomaliDoc
Su'aal: Xinjir xidhay xididada araga ee maskaxda?

Started by QawdhanBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 8347
Last post July 10, 2011, 09:26:16 PM
by SomaliDoc
Su'aal: waxaan qabaa neerfe ama xididada i xanuunayo?

Started by Jaamac123Board Qaybta Su'aalaha

Replies: 10
Views: 11208
Last post July 28, 2015, 10:21:16 AM
by SomaliDoc