Author Topic: Su'aal: Waxaan leeyahay wareer xilliga durayga?  (Read 8261 times)

0 Members and 2 Guests are viewing this topic.

Offline Ahmed114

  • Newbie
  • *
  • Posts: 1
  • Points: +0/-0
Su'aal: Waxaan leeyahay wareer xilliga durayga?
« on: February 13, 2019, 09:38:18 AM »
Asalamu calaykum? Waad ku mahadsantihin walalayaal dadaalka aad umada ku caawinaysaan.
Waxaan rabaa inaad wax iga fahamsiisan xanuun. Waxaan yeeshaa xanuun wareer ah oo dhulku ila wareegayo (Vertigo) anoo jiifa, fadhiya ama taaganba. Waxaan isku arkay xanuunkan dhawr jeer. Waxuu igu dhacaa markaan xanuunsado sida duray igu dhacay. Waxaan ku roonaada jimicsi yar oo aan sameeyo (apley) markaan xanuunkan isku arko. Maxuu daawo yeelan karaa xanuunkan. Khatar caafimaad ma leeyahay maadaama uu inbadan igu soo noqnoqday? Wax dheecaan malaha dhagahaygu laakiin culays iyo xanuun yar ayaan ka dareemaa aroortii markaan soo tooso. Barkin adagna waan isticmaalaa. Mahadsanidin.




Offline SomaliDoc

  • Moderator
  • *****
  • Posts: 4709
  • Points: +3/-1
  • Gender: Male
  • Ilaahayow Dal Nabad Qaba iyo Dad Caafimaad Qaba!
    • Somali Medical Association
Re: Su'aal: Waxaan leeyahay wareer xilliga durayga?
« Reply #1 on: November 10, 2019, 12:34:57 PM »
Badanaa fayrasyada keeno durayga ama ifilada waxay kaloo saameeyaan, xubin dhegta gudaheeda ku jirto oo qaabilsan balance-ga qofka, cilladaas waxaa loo yaqaanaa "Labyrinthitis", astaamaheedane waxaa ka mid ah wareer iyo guux dhegta ah.

Haddii cilladaan mar walba oo hargab kugu dhaco ay kugu soo laalaabato waxaan kugula talin lahaa inaad dhakhtar cunaha iyo dhegaha ku takhassusay la xiriirtaa si lagaaga fiiriyo dhegaha "ENT doctor", waxaa dhici kara inay jirto cillad kale.

Aqoon u yeelo waxyaabaha kale ee keeno wareerkaan aad dareemayso inuu dhulka kula wareegayo, sariirta kula gadoomayso ama guriga kugu soo dumi raboo kale ee loo yaqaano "Vertigo" iyo waxa ay kaga duwan tahay wareerka kale: http://somalidoc.com/smf/index.php?topic=6234.0
Abdullahi M. Mahdi waa dhakhtar soomaaliyeed oo ku takhasusay Cudurada Guud (Internal Medicine) Cudurada Faafa (Infectiouse Diseases) iyo Cudurada Dhulalka Kuleylaha (Tropical Medicine), Sidoo kale waa Qoraa si joogto ah bulshada uga wacyi galiyo bogga "SomaliDoc.com" oo uu aasaasay bilawgii sanadka 2007.

Igala Soco:
   


 

Su'aal: waxaan hada wax ka bartaa blood vessels, health & blood components?

Started by AbdikaniBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 25758
Last post January 29, 2012, 10:50:28 PM
by Dr.Adnan
Su'aal: Waxaan isku arkay markaan aqriska badsado in aan arki waayo?

Started by AbdikaniBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 3
Views: 47813
Last post March 07, 2011, 05:28:58 PM
by SomaliDoc
Su'aal: waxaan isku arkay nabaro yaryar oo afka gudihiisa iga soo baxa?

Started by CabdicasiisBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 29382
Last post April 19, 2011, 09:51:52 PM
by SomaliDoc
Su'aal: waxaan isku arkay inan biyaha ama shahwada ceshan karin?

Started by CalansideBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 35211
Last post December 18, 2015, 08:07:37 PM
by SomaliDoc
Su'aal: Waxaan rabaa inan halkan idinku so gudbiyo dhowr xanuun?

Started by C.risaaqBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 9867
Last post January 09, 2016, 03:27:06 PM
by SomaliDoc