Diseases and Conditions > Qaybta Su'aalaha
Su'aal: Maxaa keena hamiga badan?
(1/1)
Samaara:
Asc Dr waxa rabaa inaan wax badan ka ogaado hamiga badan waxa keena waxan ahay qof wax walba ku hamiya tusaale mar waxan ku hamiya inaan baxo oo an dibada ado anigo tii ka rumeen ayan hadana waxan ku haminaa inaan shaqeesto hadana anigon ka rumeen midaas ayaa hadana ku hamina inaan guursado marka Dr maxaa keena hamigaas badan
SomaliDoc:
Taasi cudur maahan, way jiraan dad si sahlan wax kasta ula laab-la-kaco, taasina inaad hammi badan tahay maahanee, dadka aad la sheekeysanaysid ama asxaabtaada ayaa saameyn kugu leh, tusaale ahaan haddii lagaaga sheekeyo qof dibadda tagay oo sidaada oo kale ah oo wax ka soo fa'aiday, waad ku hamminaysaa isla markiina go'aan ayaad qaadanaysaa, sidoo kale haddii maalmo ka dib qof kale kaaga sheekeeyo guurga iyo arrimahiisa waad la laab kacaysaa, marka waxaan talo ahaan kuu siin lahaa in wixii qorsho ah ee kugu soo dhaca ama laguu sheegaba inaad ka fakartid oo isbar-bardhigtid oo waalidkaa ama walaalkaa ama saaxiibkaa aad ku kalsoon tahay la tashatid, kadibne go'aan gaartid, Alle tala saaratid, kadibne wixii kaloo laguu sheeg oo qorshahaaga kaa leexinaayo aadan ku hammin.
Navigation
[0] Message Index
Go to full version