Author Topic: Su'aal: Hurdo la'aan ayaan ka cabanaa?  (Read 6590 times)

0 Members and 2 Guests are viewing this topic.

Offline Fahay

  • Newbie
  • *
  • Posts: 3
  • Points: +0/-0
Su'aal: Hurdo la'aan ayaan ka cabanaa?
« on: February 26, 2019, 09:47:53 PM »
Asc magacaygu waa mustafe mahamoud waxaan ku noolahay magaalada hargeisa. Waxaan jiraa 32 sano. Waxaan ka cabanayaa hurdo la'aan, margiyo xanuun, culays laabta ah oo aad moodo inuu garanku igu dhagsan yahay ama wax culusi laabta iga saaran yihiin iyo kabuubyo hal dhinac u badan. Wax balwad oo aan leeyahay haba yaraatee ma jiro, qoorta markaan dhinac u jeedsado ama aan is idhi idhaahdo dhinacaaga kale eeg shanqadh ayey yeelataa xanuun watata, tusaale ahaan markaam mudo yar foorarsado ee aan is idhaahdo kor u soo toos xanuun aad u badan ayaan qoorta ka dareemayaa oo kor uuma kala toosi karo. Kadh ayey qoortu  i odhanaysaa sidii meel kala baxday oo kale oo dib isugu soo noqotay. Hurdo la'aanta waxay igu bilaabantay 2015 horaantiisii habeenada qaar sidaan ku jiifsaday ayaan subixiina ku kacaa anoo haba yaraatee aan habeenkii seexan. Waxa kale oo ii dheer kabuubyada oo aan aan hal dhinac ka dareemaayo mudo dhawr sano ah kabuubyo waliba jidhiidhico watata. Hadaan halkaa dib uugu noqdo lugaha ayaan ka dareemi jiray kulayl saa'ida sidii in dab ii dhaw yahay oo kale yacnii gubasho. Markii dambena jidhiidhicada ayey isku bedeshay waan mudo dhawr sano ah. Waxaan u tagay tigtoor gaboose wuxii ii qoray daawooyin dhawr goor oo kala duwan laakiin waxba iskagama kay badalin, sidoo  kale sanka waxaan ka dareemayaa goror aad moodo inuu xaga sare wax ka soo shubmayaan laakiin aanay dibada u soo baxayn . Waxaan ka codsanayaa dhakhaatiirta sharafta leh in ay bal iga caawiyaan waxa i haya. Mahadsanidiin




Offline SomaliDoc

  • Moderator
  • *****
  • Posts: 4709
  • Points: +3/-1
  • Gender: Male
  • Ilaahayow Dal Nabad Qaba iyo Dad Caafimaad Qaba!
    • Somali Medical Association
Re: Su'aal: Hurdo la'aan ayaan ka cabanaa?
« Reply #1 on: December 01, 2019, 01:36:46 PM »
Walaal in lagu arko oo lagu wiisiteeyo ayay xaaladaadu ku fiicnaan lahayd, inta aan ka fahmay cabashadaadu waxay u badan tahay in qoorta lagaa haayo, taasoo culeys saarayso neerfaha surka maro sidaasne hal dhinac lagaaga qabtay, cilladdda ugu badan ee arintaan keento horay ayaan qoraal ugu faahfaahiyay waxaana la dhahaa "Cervical spondylosis" ee halkaan ka akhriso: http://somalidoc.com/smf/index.php?topic=8155.0

Waxaad u baahan tahay in qoorta lagaa saaro sawirka MRI si loo xaqiijiyo jiritaanka cilladaan iyo heerka ay gaarsiisan tahay.
Abdullahi M. Mahdi waa dhakhtar soomaaliyeed oo ku takhasusay Cudurada Guud (Internal Medicine) Cudurada Faafa (Infectiouse Diseases) iyo Cudurada Dhulalka Kuleylaha (Tropical Medicine), Sidoo kale waa Qoraa si joogto ah bulshada uga wacyi galiyo bogga "SomaliDoc.com" oo uu aasaasay bilawgii sanadka 2007.

Igala Soco:
   


 

Maxaan bartaa? Halkee ayaan ka bartaa?

Started by SomaliDocBoard I want to Study Medicine

Replies: 1
Views: 314078
Last post June 09, 2018, 12:51:13 AM
by Ahmed_Carab
Su'aal: markii aan cayaaro Kubada dhididka cirbad la igu duraayo ayaan moodaa?

Started by WalaalkaBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 24386
Last post May 23, 2011, 07:44:58 PM
by SomaliDoc
Su'aal: Ninkega islama noolin labo wadan ayaan kala jogna?

Started by NasiimaBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 3
Views: 25918
Last post April 10, 2016, 11:10:06 PM
by SomaliDoc
Su'aal: dhowr sano ayaan isku arka qanjiro iskaa kee bararaya?

Started by Cariif2020Board Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 18141
Last post July 16, 2016, 02:09:51 PM
by SomaliDoc
Su'aal: Cilada naaso bararka runti dhib weyn ayaan ku qabaa?

Started by Dada AmiinBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 24217
Last post October 31, 2016, 04:11:20 PM
by SomaliDoc