Author Topic: Su'aal: Eating disorder waa meeqa nuuc?  (Read 7516 times)

0 Members and 1 Guest are viewing this topic.

Offline Hbboy

  • Newbie
  • *
  • Posts: 3
  • Points: +0/-0
Su'aal: Eating disorder waa meeqa nuuc?
« on: February 27, 2019, 03:34:13 PM »
Waa maxey eating disorder meeqa nooc ayey se u kala baxdaa maxaa xal u ah dr?




Offline SomaliDoc

  • Moderator
  • *****
  • Posts: 4709
  • Points: +3/-1
  • Gender: Male
  • Ilaahayow Dal Nabad Qaba iyo Dad Caafimaad Qaba!
    • Somali Medical Association
Re: Su'aal: Eating disorder waa meeqa nuuc?
« Reply #1 on: December 01, 2019, 01:52:48 PM »
Cilladaha wax-cunistu way nuucyo badan yihiin waxaase ugu caansan 5 cilladood oo kala ah:

1- Anorexia Nervosa: cilladaan waa qofka oo aamino inuu cayilan xittaa hadduu caato yahay, waxay ku badan tahay dhalinyarada yaryar khasatan gabdhaha, qofka wuxuu iska ilaaliyaa cunanda cabsi uu ka qabo inuu cayilo awgeed, markaasne nafaqo darro ayaa ku dhacda.

2- Bulimia Nervosa: cilladaan waa qofka oo si xad dhaaf ah wax u cuno isagoo kantaroolka ka lumo, qofka markuu dhargo wuu is matajinaa si uu hadane wax u cuno mar kale.

3- Binge Eating Disorder: cilladaan waxay la mid tahay midda 2-aad laakiin waxay kaga duwan tahay inuusan qofka is matajinayn.

4- PICA: waa cillad qofka oo cuno waxyaabo aan cunno ahayn sida dhuxusha, jeestada, carada, saabuunta, warqadaha, goomaha, suufka IWM. midaan qoraal hore ayaan kaga hadalnay maadaama ay bulshadeenu ku badan tahay ee ka akhrsiso halkaan: http://somalidoc.com/smf/index.php?topic=4071.0

5- Rumination Disorder: waa cillad qofka isku dilqeysiinayo cunto uu ruugay oo liqay si mar kale u ruugo u liqo ama u tufo.! cilladaan way ka duwan tahay dadka laabjeexa qabo oo cunnada ku soo gadoonto, qofkaan isagaa cunnadii caloosha gashay afkiisa ku soo celinaayo si uu u liqo mar kale. waa cillad maskaxeed.


Cilladaha la xiriira wax-cunsitu way badan yihiin laakiin intaas ayaa ugu caansan, wixii faahfaahin ah hoos waa nagu soo waydiin kartaa si aan faahfaahin kaaga siinno. Mahadsanid
Abdullahi M. Mahdi waa dhakhtar soomaaliyeed oo ku takhasusay Cudurada Guud (Internal Medicine) Cudurada Faafa (Infectiouse Diseases) iyo Cudurada Dhulalka Kuleylaha (Tropical Medicine), Sidoo kale waa Qoraa si joogto ah bulshada uga wacyi galiyo bogga "SomaliDoc.com" oo uu aasaasay bilawgii sanadka 2007.

Igala Soco:
   


 

7 things "Not To Do" after eating.

Started by PrincessMuniBoard Feel Free Here

Replies: 12
Views: 12846
Last post June 28, 2008, 06:49:12 PM
by PrincessMuni
Major Health Benefits of Eating Bananas

Started by Ahmed_07Board Topics in Healthcare

Replies: 0
Views: 7887
Last post August 04, 2012, 05:39:12 AM
by Ahmed_07
Su'aal: Dhiigga Aabbo iyo aniga ma isku nuuc baa?

Started by Akhaa Binu JowhariBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 3292
Last post November 16, 2017, 07:56:06 PM
by CilmiSabca
Su'aal: Waxaan daaweynaa bidaarta nuuc walba?

Started by drmireBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 3309
Last post November 29, 2018, 04:49:43 PM
by SomaliDoc
Su'aal: Waa imisa nuuc Tb-da lafaha ku dhacdo?

Started by AbadifatahBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 6593
Last post November 29, 2018, 04:59:21 PM
by SomaliDoc