Author Topic: Sidee Loo Daaweeyaa Diiqadda/Niyad Jabka?  (Read 31216 times)

0 Members and 1 Guest are viewing this topic.

Offline SomaliDoc

  • Moderator
  • *****
  • Posts: 4709
  • Points: +3/-1
  • Gender: Male
  • Ilaahayow Dal Nabad Qaba iyo Dad Caafimaad Qaba!
    • Somali Medical Association
Sidee Loo Daaweeyaa Diiqadda/Niyad Jabka?
« on: March 30, 2008, 04:45:27 PM »
Haddii niyadjabku uu yahay mid wakhti dheer hayey, uuna dhibaato u keenayo nololmaalmeeda qofka, waxaa wanaagsan inuu qofku caawimo raadsado.
Waxyaabaha niyadjabka ku saabsan waxaa lagala hadli karaa, tusaale ahaan kalkaalisada caafimaadka ama dhakhtar. Sidoo kale inta badan way wanaagsan tahay, inuu qofku ehelkiisa kala sheekaysto niyadjabka haya. Badanaa qofka niyadjabku hayo naftiisa ayuu ku eedeeyaa xaaladda uu ku sugayn yahay, taasina waxay sii kordhisaa niyadjabka.

Bilowga hore waxaa wanaagsan, inuu qofku isdejiyo oo uu naftiisa siiyo wakhti uu ku raysto. Qofka marka uu niyadjabku hayo way ku adag
tahay inuu xal u helo dhaibaatooyinka waaweyn, sidaa darteed haddii ay suuragal tahay waxaa wanaagsan in xallinta dhibaatooyinka waaweyn dib loo dhigo.

Qofku wakhti ayuu u baahan yahay si uu niyadjabka uga bogsado.
In niyadjabka laga bogsado waxay caadi ahaan qaadataa todobaadyo badan, mararka qaarna bilo ayey qaadataa.
Wadahadallada lala yeelanayo qofka daaweynta qaabilsan, waxaa laysku dayeyaa in la ogaado xaaladdu sida ay tahay, isla markaana lana dejiyo.

Ka hadalka dhibaatooyinka iyo waxyaabaha adagi inta badan qofka way caawiyaan, xitaa iyada oo aan markiiba xal loo helin dhibaatooyinkaas. Markay xaaladdu degto ka dib, badanaa waa suuragal in si faahfaahsan looga wadahadlo waxyaabaha xaaladda nolosha qofka ah ee istereeska u keenaya iyo waxyaabaha qofku uu lumiyey (dhibaatada uu la kulmay). Waa in la raadiyaa xalal kala duwan iyo sidii dhibaatada jirta looga gudbi lahaa.

Waxaa inta badan suuragal ah in wadahadalladu keenaan, in la helo dhinacyo cusub oo laga fiirin karo dhibaatooyinka nolosha qofka, habka uu u dhaqmayo iyo habka uu u fekerayaba. Ujeeddaduna waa inuu qofku dib u helo kartidii awoodiisa.

Isticimaalka daawooyinku waxay badanaa soo dedejiyaan inuu qofku niyadjabka ka bogsado. Daawooyinka loo isticimaalo daaweeynta niyadjabku waa daawooyin nabadgelyo leh, mana keenaan inuu qofku ka maarmi waayo ama uu la qabsado.

Waxtarka maskaxda ee daawooyinka waxaa la dareemaa 2-4 todobaad ka dib, markuu qofku isticimaalka daawada bilaabo. Waxaa wanaagsan in isticimaalka daawada la wado markuu qofku raysto ka dib, sababtoo ah astaamaha jirradu si fudud ayey u soo noqdaan, marka daawada la joojiyo ka dib. Caadiyan daawada waxaa la isticimaalaa ½-1 sano, wakhtigaasna waa in daawada maalin walba si jogto ah loo isticimaalaa. Joojinta daawada waa in lagala tashadaa dhakhtar.

Bilowga hore ee isticimaalka daawada waxaa laga yaabaa in laysku arko cillado ay daawadu keento. Cilladahaas kuwa ugu caansani waa lallabo uu qofku dareemayo, madax xanuun, dhididida oo badata, cillado caloosha ah iyo daal. Caadiyan cilladahan ay daawadu keento waa kuwo sahlan, dhowr maalmood gudohood ayeyna ku baaba’aan, ka dib markuu jirka qofku la qabsado daawada. Mararka qaar waxaa dhacda in qofka daawada laga beddelo, haddii cilladaha daawadu keento ay yihiin kuwo aad u daran, ama daawadu aanay si fiican qofka wax ugu tarin. Cilladaha suuragalka ah ee daawadu keento, waxaa wanaagsan in dhakhtarka qofka qaabilsan lagala hadlo. Daawooyinka niyadjabka mooyee, waxaa kaloo mararka qaar si ku meelgaar ah loogu baahdaa daawooyin qofka u fududeeya inuu seexdo, ciriiriga
nafsaddana ka yareeya.

1- Waa maxay diiqaddu ama niyad jabku?
2- Meeqo nooc oo niyad jab ah ayaa jirta?
3- Waa maxay calaamadaha diiqaddu/niyad jabku?
4- Maxaa dhaliya diiqadda/jiyad jabka?
5- Sidee loo daaweeyaa diiqadda/niyad jabka?
6- Noocyada daawooyinka ee diiqadda/niyad jabka?
7- Maxaan samayn karaa ee naftayda ku caawiyaa?
8- Maxay saaxiibadu iyo reerku samayn karaan inay i caawiyaan?

Wixii su'aal aad qabtid halkaan ku weydii
SomaliDoc


Abdullahi M. Mahdi waa dhakhtar soomaaliyeed oo ku takhasusay Cudurada Guud (Internal Medicine) Cudurada Faafa (Infectiouse Diseases) iyo Cudurada Dhulalka Kuleylaha (Tropical Medicine), Sidoo kale waa Qoraa si joogto ah bulshada uga wacyi galiyo bogga "SomaliDoc.com" oo uu aasaasay bilawgii sanadka 2007.

Igala Soco:
   


 

Su'aal: Xanuunka Barasta ma la kala qaadaa? Sidee loo qaadaa?

Started by CawadBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 33589
Last post February 22, 2010, 12:47:32 PM
by SomaliDoc
Su'aal: Sidee loo dhimi karaa acid ka gaaska amaba loo ciribtiri karaa?

Started by Abdi21Board Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 21131
Last post September 09, 2015, 01:14:18 PM
by SomaliDoc
Sidee loo beeraa ubadka maxana looga bahan yahay haweeneyda lagu beerayo?

Started by BilaalBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 5
Views: 53619
Last post December 21, 2009, 07:54:40 PM
by SomaliDoc
Dood Wanaag: Waa Sidee Waxqabadka Hay'adaha Samafalka ee ka Hawlgala Dalka?

Started by Waxbaro!Board Feel Free Here

Replies: 4
Views: 26250
Last post March 10, 2011, 06:10:21 PM
by Waxbaro!
Su'aal:- Sidee Ayaa Ugu Fuduud Oo Laysaga Nadiifin Karaa Ilkaha Magarka leh?

Started by AbdirizakBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 22608
Last post December 05, 2011, 11:25:44 PM
by SomaliDoc