Author Topic: Su'aal: Cuno xanuun iyo calool xanuun?  (Read 5427 times)

0 Members and 1 Guest are viewing this topic.

Offline Mumtaz19

  • Newbie
  • *
  • Posts: 1
  • Points: +0/-0
Su'aal: Cuno xanuun iyo calool xanuun?
« on: March 12, 2019, 05:01:12 PM »
Asc, waan idin salamayaa dhamaan dhakhaatiirta sharafta leh. Waad ku mahadsantiin sidaad heeganka ugu jirtaan ummadiina, jazaakallah khair.

Intaa ka dib waxaan ka cabanayaa xanuun cunaha ah, waxaad moodaa in cuna wax iga tagan yihiin oo hadaan wax kasta cuno iga dhaqaaqayn, wuu i bararsan yahay subixiina iyagoo isku kay dhegsan baan soo kacaa waxaan leeyahay ur fara badan oo afkayga ka soo baxaysa hadaan cadaydo iyo haddi kaleba iyo kulayl badan oo afka, daal fara badan, garbo xanuun, jidhkoo idil ahaan i xanuunaya, bilaa awood, indhaha oo i daalayaa calooshoo i istaagaysa, hadaan yara cadhoodo ama fikiro cunuhu wuu sii xanuunaya, biyaha milixda lehna markaan ku luqluqdo way iga daraanba sidii ay cadhoonayaan afkuna aad buu ii uraya. 2014kii baa igu horeysay ee an sidaa isku arko. Marmar baan ka raystaa oo uu dhowr bilood iga maqnaada markaasna waxan cunaha iga mudan wuu iga ba'aa inta kale wuu ila jooggaa xanuunkaasi. Isoo jawaaba idinkoo mahadsan jazakallaah.




Offline SomaliDoc

  • Moderator
  • *****
  • Posts: 4709
  • Points: +3/-1
  • Gender: Male
  • Ilaahayow Dal Nabad Qaba iyo Dad Caafimaad Qaba!
    • Somali Medical Association
Re: Su'aal: Cuno xanuun iyo calool xanuun?
« Reply #1 on: February 09, 2020, 12:37:41 PM »
Walaal qaabka aad u tilmaamaysid xanuunkaaga wuxuu iila egyahay caabuqa quumanka ee "Tonsillitis", waa xanuun dadka qaarkood ku soo noqnoqdo, hadduu qofka 3 jeer uu qabto halkii sano oo sidaasne isku arko 2 sano oo xiriir ah waxaa lagu la taliyaa inuu iska saaro khaaasatan caruurta. halkaan ka akhriso qoraal ku saabsan: http://somalidoc.com/smf/index.php?topic=1116.0
Abdullahi M. Mahdi waa dhakhtar soomaaliyeed oo ku takhasusay Cudurada Guud (Internal Medicine) Cudurada Faafa (Infectiouse Diseases) iyo Cudurada Dhulalka Kuleylaha (Tropical Medicine), Sidoo kale waa Qoraa si joogto ah bulshada uga wacyi galiyo bogga "SomaliDoc.com" oo uu aasaasay bilawgii sanadka 2007.

Igala Soco:
   


 

Su'aal: Xiniiyo Xanuun iyo Xiniiyo Dheeraansho?

Started by Ahmed Ali MohamoudBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 33335
Last post August 10, 2015, 11:08:40 AM
by SomaliDoc
Su'aal: Wadna xanuun iyo wadna garaac jogto ah?

Started by Fitah KhanBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 4
Views: 32381
Last post September 16, 2016, 09:11:55 PM
by SomaliDoc
Su'aal: Xanuun xiniinta midig iyo lugta midig?

Started by DaadireeyBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 0
Views: 23576
Last post April 13, 2017, 11:46:51 AM
by Daadireey
Su'aal: Madax xanuun badan, xanaaq badan hadaan hurdo maskaxda wey shaqeeynee?

Started by AweisBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 3
Views: 41711
Last post March 09, 2011, 10:28:48 PM
by SomaliDoc
Saxaro Adayg iyo Calool Fadhi (Constipation)

Started by SomaliDocBoard Cudurrada Guud

Replies: 0
Views: 95844
Last post October 31, 2007, 04:17:40 PM
by SomaliDoc