Author Topic: Isbadalka Caafimaadka iyo Jimicsiga Dumarka.!  (Read 19512 times)

0 Members and 1 Guest are viewing this topic.

Offline SomaliDoc

  • Hero Member
  • *****
  • Posts: 4709
  • Points: +3/-1
  • Gender: Male
  • Ilaahayow Dal Nabad Qaba iyo Dad Caafimaad Qaba!
    • Somali Medical Association
Isbadalka Caafimaadka iyo Jimicsiga Dumarka.!
« on: March 14, 2019, 09:31:28 PM »


Bismillah,

Wuxuu casharkeena maanta ku saabsan yahay jimicsiga iyo isbadalka hormoonada ee ku dhaca dumarka.

Jimcisgu waa lagama maarmaan, rag iyo dumarba waxtar ayuu u leeyahay, caafimaadkane wuu kobciyaa isagoo ka hortaga cudurro badan sida macaanka, kolestaroolka, wadne xanuunka iyo cudurrada cayilka la xiriiro.

Laakiin jimicsiga xad dhaafka ah ama ciyaaraha sports-ka waxay halis ku yihiin dumarnimada maadaama jir ahaan ay ka abuuris duwan yihiin ragga, sababtuna waa khalkhal ku yimaado hormoonada dumarka khaasatan midka loo yaqaano "Progesterone" oo jirka aad ugu yaraado markii loo badalo hormoon kale oo loo yaqaano "Cortisol" muhiimna u ah jimicisga.

Hadduu hormoonka "Progesterone" jirka ku yaraado, waxay haweentu dareemaysaa caado wareer, hurdo xumo, murqaha oo bararo iyo madhalaysnimo haddii aaan xal loo helin.

Cilladdahaan waxaa badanaa lagu arkaa haweenka ciyaaro sports-yada kala ah: biro-qaadista lagu dhiso murqaha, orodka marathon-ka, ciyaaraha feerka, tartamada baaskiilka iyo xirfadda ciyaaraha tennis-ka sababtoo ah waa ciyaaro balwad u ah dumarka qaar si joogta ahne u sameeyaan

Cilmibaaris lagu sameeyay dumarka sports-yadaan ciyaaro, waxaa la arkay in gabdhaha ugubka ah, haweenka caatada ah iyo kuwa markii horaba caadada ka soo daahday inay u nugul yihiin dhibaatooyinkaan markii la barbardhigo haweenka horay u soo dhalay iyo kuwa aan caatada ahayn. Source: https://www.ncbi.nlm.nih.gov/pubmed/6455305

Talada SomaliDoc
Jimicsigu waa muhiim weliba markii si dabiici ah loo sameeyo waxtar badan ayuu jirka u leeyahay khaasatan kuwa ay ku filan tahay okasjiinta aad neefsatid, loona yaqaano Aerobic Exercises", kuwaasi waxaa ka mid ah, socodka, rucelynta, dabaasha, baaskiil wadista IWM.

Haddii 20 illaa 30 daqiiqo maalin kasta aad samaysid socod ama rucleyn joogto ah, isbadal dhinaca caafimaadka ah waad dareemi doontaa adigoo miisaankaaga si dabiici ah u rida.

Ka fogow jimicsiga xad dhaafka ee dhibka kuu keenayo iyo ciyaaraha sports-ka ee dumarnimadaada wax u dhimi kara khaasatan haddii aadan caafimaadkaaga si dhow uga war qabi karin. Mahadsanidiin.

Wixii su'aalo ah oo qoraalkaan la xiriira fadlan hoos noogu reeb ama dhakhtarka kala xiriir qeybta farriimaha ee boggeena Facebook: https://www.facebook.com/HealthySomalia/


Abdullahi M. Mahdi waa dhakhtar soomaaliyeed oo ku takhasusay Cudurada Guud (Internal Medicine) Cudurada Faafa (Infectiouse Diseases) iyo Cudurada Dhulalka Kuleylaha (Tropical Medicine), Sidoo kale waa Qoraa si joogto ah bulshada uga wacyi galiyo bogga "SomaliDoc.com" oo uu aasaasay bilawgii sanadka 2007.

Igala Soco: