Author Topic: Su'aal: Megnisium defiency?  (Read 6210 times)

0 Members and 1 Guest are viewing this topic.

Offline Ahmed_Carab

  • Full Member
  • ***
  • Posts: 53
  • Points: +0/-0
Su'aal: Megnisium defiency?
« on: March 17, 2019, 11:45:44 AM »
Asc dhakhtar.

Maxaa astaamo ah oo uu dareemi karaa qofka uu jirkiisu ku yaryahay cunsurka Megnisium, maxaase laga dhaxli karaa yaraanshaha uu jirka ku yaraado cunaurkaani?




Offline SomaliDoc

  • Moderator
  • *****
  • Posts: 4709
  • Points: +3/-1
  • Gender: Male
  • Ilaahayow Dal Nabad Qaba iyo Dad Caafimaad Qaba!
    • Somali Medical Association
Re: Su'aal: Megnisium defiency?
« Reply #1 on: October 02, 2020, 01:05:14 PM »


Waxtarka macdanta magniisiyam?
Macdanta Magnesium waa mid muhiim u ah caafimaadka jirka, wuxuu ka qeyb qaataa samayska borotiinka, tamarsiinta iyo tarmidda unugyada, samaysanka iyo kobaca lafaha, shaqada wadnaha, sare u qaadista dhambaallada dareensidayaasha iyo murqaha, xakamaynta macaanka iyo hormoonka insulin-ta sidoo kale cadaadiska dhiigga.

Astaamaha yaraanshada macdanta magniisiyam?
Hadduu qofka ku yaraato macdanta magnesium wuxuu dareemayaa lalabo, matag, tabardarri, cunno xumo, kabuubyo, murqo xanuun, togtognaan jirka ah, wadne gariir, dabciga oo luma iyo mararka qaar qallal.

Maxaa keeno yaraanshaha macdanta magniisiyam?
Waxyaabaha ugu badan ee keeno yaraanta macdanta magnesium waa nafaqo darrida saa'idka, dadka kilyaha ka xanuunsan ama laga dhaqo, dadka isbitaallada jiifa ee caafimaadkoodu liito, dadka calool xanuunka qaba, dadka qaato daawooyinka qaar sida kaadi-dareeriyaasha iyo dadka khamriga joogto u cabo.

Dadka la nool macaanka oo aan daawo u qaadan waxaa mararka qaar lagu arkaa in macdantaan ay ku yaraato markii laga baaro.

Sidee lagu ogaadaa yaraanshaha macdanta Magniisiyam?
Yaraanshaha macadantaan waxaa laga baaraa dhiigga iyadoo la fiirinayo heerka uu marayo, sida caadiga ah waxaa laga rabaa inuu cabbirkiisu u dhaxeeyo 1.8 illaa 2.2 mg/dl, hadduu 1.8 ka hooseeyo waxaa la dhahaa qofka way ku yar tahay macdanta, haddiise uu 1.25 ka hooseeyo waa si dagdag ah qofka loo siiyaa macdantaasi.

Cunnadee laga helaa macdana Magniisiyam?
Contooyinka laga helo macdantaan waxaa ka mid ah: Koostada, lowska, qamadiga, digirta, avocada-da, mooska, kalluunka iyo bataati macaanka.

Sidee loo kobciyaa macdanta magniisyam?
Inkastoo yaraanshaha macdantaani aysan ku badnayn qofka caafimaad qaba, laakiin hadduu qofka xanuunsan yahay ama astaamahaasi leeyahay waa muhiim in laga baaraa, kadibne macdantaasi la siiyaa.

Wixii su'aalo ku saabsan qoraalkaan, hoos ayaa nagu waydiin kartaan.
https://www.facebook.com/HealthySomalia/
Abdullahi M. Mahdi waa dhakhtar soomaaliyeed oo ku takhasusay Cudurada Guud (Internal Medicine) Cudurada Faafa (Infectiouse Diseases) iyo Cudurada Dhulalka Kuleylaha (Tropical Medicine), Sidoo kale waa Qoraa si joogto ah bulshada uga wacyi galiyo bogga "SomaliDoc.com" oo uu aasaasay bilawgii sanadka 2007.

Igala Soco:
   

Offline Milica_soomali

  • Full Member
  • ***
  • Posts: 64
  • Points: +0/-0
Re: Su'aal: Megnisium defiency?
« Reply #2 on: December 05, 2020, 01:52:13 PM »
aad u fiican