Diseases and Conditions > Qaybta Su'aalaha
Su'aal: Miisaankaayga sideen u kordhin karaa?
(1/1)
Starka19:
Asc, Masha allaah runtii aad baan ugu faraxsanahay inan helo meel aan kugudbin karo su'aal aan jwb saxan u waayay.
Dhaqaatiirta halkani joogto waxan codsanlahaa inay iga shaafiyaa su'aalahaan soo socda.
1: Waxaan ahy 19 jir misaankayguna waa uu hooseeyaa 48 Buu marayaa dhirikayguna 1.72 weeye.
Maxaa sababi kari in aan sidaan uu miisankayga hoos ugu dhaco?
2: Sideen u kordhin karaa miisaankayga? majiraanse dad hore u kordhiyay miisaankooda.
FG: ma isticmaalo wax bal wad ah sido kale dadka caadiga ah ee aan lanoolahay waxa ay cunan baan la cunaa...
Fadlan sida ugu dhaqsida bdn hala'igu soo jawaabo.
SomaliDoc:
Markii dhirirkaaga iyo culeyskaaga la isku fiiriyo, aad buu u hooseeyaa waxaadne u baahan tahay in miisaankaaga ku dartid 8 kiilo. Midda kale hadduu miisaankaaga horay u fiicnaa, hadane uu soo dhacay waxaad u baahan tahay inaad dhakhtar la xiriirtid si lagaaga baaro xanuunada keeni karo miisaan lumista, laakiin hadduu weligaa sidaan ahaa miisaankaaga waxaad u baahan tahay inaad samaysid tillaabooyin aad ku kobcin kartid si dhirirkaaga iyo culeyskaaga iskugu qalmaan adigoo raaca talooyinkaan hoose:
* Cun cunno tamar leh sida hilibka, digaaga, ukunta, kalluunka, baradhada, digirta iyo lowska, si aad u kororsato nus kiilo usbuucii waa in aad cuntaa cunno aad ka helaysid ugu yaraan 1000 kalori ka badan inta aad isticmaashay.
* Kala dooro cunnada, hilib iyo kalluun ku badalo rootiga, ukunta ka dooro qudaarta, ku dadaal cunnada ay ku badantahay borotiinka iyo karbohaydareetka.
* Badso cunnooyinka fudud una dhaxeysii waqtiyada quraacda, qadada iyo cashada.
* Cab dareerayaal nafaqo leh sida caanaha iyo juuska.
* Sameey jimicsi fudud oo joogto ah, hurdo kugu filanne jiifo.
Starka19:
Alxamdulilaah 5sano baa laga joogaa markii aan taladaan qaatay miisaankaygu waxaa uu gaaray ilaa 67Kg hadeerna waa 64Kg.
Navigation
[0] Message Index
Go to full version