Author Topic: Maxaan samayn karaa ee naftayda ku caawiyaa?  (Read 21101 times)

0 Members and 1 Guest are viewing this topic.

Offline SomaliDoc

  • Moderator
  • *****
  • Posts: 4709
  • Points: +3/-1
  • Gender: Male
  • Ilaahayow Dal Nabad Qaba iyo Dad Caafimaad Qaba!
    • Somali Medical Association
Maxaan samayn karaa ee naftayda ku caawiyaa?
« on: April 01, 2008, 01:48:32 AM »
Xanuunka diiqaddu wuxuu leeyahay sifo aad u muhiim ah markaad doonaysid in aad ka adkaato. Diiqaddu iyadaa is quudisa. Waad diiqaysaa ka dibna waad sii diiqaysaa marka ogaatid in aad xanuusanaysid. Fekradaha aad dhinaca xun wax ka eegayso ayaa kugu soo noqnoqonaya, waayo way kaaga adkaanaysaa in aad iska difaacdo. Xaaladan aad ku sugantahay ee diiqada ayaa markaa ka waynaanaysa, ciladii markii hore keentay. Mid aad u muhiim ah ee ah in aad ogaatid waxa weeye in aanay jirin xal diyaar ahi. Xalilida mushkiladanu waxay u baahantahay waqti, awood, iyo shaqo. Marka aad niyad jabsantahay ma lihid awood ama niyad aad ku shaqaysid. Laakiin hadii si firfircoon uga qayb qaadato dawaynta hadalka ah, waxa laga yaabaa in ay arintan kaa caawiso.

Waxa muhiim ah in aad tijaabiso in aad jebisho ciriiriga uu kugu hayo diiqaddu. Waa inad jebisaa xeernaanta dhinaca xun aad wax ka eegaysid. tijaabi in markaad ku fekeraysid (dhinaca xun) in aad ku bedesho mid dhinaca fiican ah. Eeg waxyaalaha maskaxda kaa mashquuliya. In kastoo laga yaabo in aad jeclaysan, tijaabi ka qayb qaadshada ciyaaraha, waa dawayn fiican. Ciyaarista, orodada, boodada, baaskeelada, iyo xataa socodka iska war wareegu wuxuu dhiiri geliyaan kimikal la yidhaahdo ‘endrophins’, taas oo kaa kalmeenaya in aad fiicnaato.

Waxaad u baahantahay waxyaalaha hagaajinaya sida dareenka naftaadu yahay. Tijaabi in aad naftaada hagaajiso. Waad in aad jidhkaaga ilaalisaa – si fiican wax u cuntaa. Mijo baxsataa, waa in aanad naftaada wax ku yeelin sigaarka, khamriga, ama maan dooriyayaasha kale. Eeg sidaad u eegtahay, oo qurxi aragaaga.

1- Waa maxay diiqaddu ama niyad jabku?
2- Meeqo nooc oo niyad jab ah ayaa jirta?
3- Waa maxay calaamadaha diiqaddu/niyad jabku?
4- Maxaa dhaliya diiqadda/jiyad jabka?
5- Sidee loo daaweeyaa diiqadda/niyad jabka?
6- Noocyada daawooyinka ee diiqadda/niyad jabka?
7- Maxaan samayn karaa ee naftayda ku caawiyaa?
8- Maxay saaxiibadu iyo reerku samayn karaan inay i caawiyaan?

Wixii su'aalo iyo faahfaahin ah halkaan ku weydii
SomaliDoc


Abdullahi M. Mahdi waa dhakhtar soomaaliyeed oo ku takhasusay Cudurada Guud (Internal Medicine) Cudurada Faafa (Infectiouse Diseases) iyo Cudurada Dhulalka Kuleylaha (Tropical Medicine), Sidoo kale waa Qoraa si joogto ah bulshada uga wacyi galiyo bogga "SomaliDoc.com" oo uu aasaasay bilawgii sanadka 2007.

Igala Soco: