Author Topic: Su'aal: dhuuso badan iyo aaryo caloosha?  (Read 7400 times)

0 Members and 1 Guest are viewing this topic.

Offline Aidarus Mohamed

  • Newbie
  • *
  • Posts: 2
  • Points: +0/-0
Su'aal: dhuuso badan iyo aaryo caloosha?
« on: November 13, 2019, 05:44:49 PM »
Asc walaalayaal
Wll si aad ufahamtaan xanuunka aan ka tabanayo  waxan rabaa in aan idiin sheego min bilaabo ilaa hada.
Xanuunkan waa caloosha waxa uu hada ihayaa ilaa 8 bilood wuxu igu dhacay anigoo jooga hargeisa xanuunka caloosha wuxu ahaa soo boodo mar umbaa caloosha leyga qabtay qabasho xad dhaaf ah marka calaamadaha aan isku arkayay marka caloosha leyga qabto waa sida tan:-
1:- Calool xanuun saaid ah
2:- matag
3:- saxaro kolba si ah midabkeeda mar waa jileec oo uu mucus ama dareer ku dahaaran yahay, mar waxa dusha ka saaran wax aad muudo candhuuf oo kala ah, mar waa madoow xigeen aan saaid aheyn yacnii madow qafiif ah, marne saxarada ayaaba igu dhageysay oo markan suulida tago waxbo igama imaaneynin.
4:- Kaadi badan oo habeynkii ah
5:- Caajis farabadan oo aan rabo in aan guriga iska joogo
6:- walwal aan aqoonin meesha aan ka walwalaya(walwalkan wuxu yimaadaa malmaha aan xanuunsanahay).
7:- shuban saaid ah oo aan fuuq baxayo

Kadib waxan utagay isbitaal weyn waxey iga qaaden dhiiga, saxarada, computer calooshane weey isaareen wax aay iga sheegeen ma jirto oo waxey igu yiraahden waxbo ma qabtid xitaa wn ka weynay bacteriyadii keeneysay gaas-ka, parasite-yada caloosha, gooryaano, dhiigar, sokor, hepatitis-ka waxbo ma qabtid ayeey igu yiraahden ee waxan ku gelineynaa tumbada caloosha si aan u,ogaano dhibka jira kadib tumbadii ayaan walaac ka muujiyay waana iska diiday maadama meesha aan deegan ku aheyn, bil kadib hadane waa leyqabtay caloosha si xad dhaaf ah malab ayaan iska isticmaalay iyo biyo diiran waan ka yara nafisay, kadib hargeisa waan ka soo tagay waxan imid Xamar waxaan bilaabay in aan badalo qaabkii aan unoolaaa yacnii waxan joojiyay raashinada qaar sida 1: digirta, heeda, caana geela, basbaaska, canjeerada, xilibka lashiilay, raashinka aay saliidu ku badan tahay, raashinka aay cusbada ku badan tahay ama dhanaanka ah, liin dhanaanta, cabitaanada gasacadeysan ee acid-ka ah, kaluunka gasacadeysan, kuwaan waxan aaminsanahay in aay qeyb ka yihiin in aan dareemo calool xanuun saaid ah aayna igu kiciyaan xanuunka, kadib raashinkan aan kor kusoo sheegay markan joojiyay ayaan waxan bilaabay in aan subaxdii isticmaalo Galeey isheeda qabto oo lasoo shiiday oo boonshaha ku badanyahay soor ahaan bn u,isticmaalayay waxan waday mudo 2 bil ah inkasto hada aan yara joojiyay lkn dib bn ubilaabaya, waxyaabaha aan isaga dareemay waxa ka mid ah waxa iga yaraaday
1: calool xanuunkii saaidka ahaa
2:- matagii aan matagi jiray marka caloosha leyga qabto
3:- Shubankii saaidka ahaa lkn wali waxa jira dheecanka, iyo candhuufta ku dahaaran saxarada, saxarada aan iska waayo mararka qaar, saxarada oo jajab noqoto

Markan badalay qaabkii aan unoolaa oo aan joojiyay raashino badan waxaad moodaa hada in aan sidii hore dhamaamo dhanka calool xanuunka marka calaamadaha hada ama wali baaqi igu ah waxaa ka mid ah
1:- Raashiinada qaar markan taabto sida digirta ama heeda ama basbaaska ama cabitaanada aashitada leh waxan xanuunyar oo qafiif ah oo kala fogfog aan  ka dareemaa qeybta hoose ee dhanka midig caloosha
2:- Saxarada mar waxa lasocda dheecan gibigeedaba ku dahaaran, marne waxa lasocda wax aad moodo candhuuf kale ah, marne saxarada waa jajab oo waxey soo baxeysa ayadoo jajab ah aan isku xirneyn marna markaan suulida tago saxarada wn iska waayaa.
3:- Walwal aan caadi aheyn inta lagu guda jiro maalmaha xanuunka uu ihayo waana midka iigu daran hada oo wuxuu iigaga daran yahay qabashada caloosha aad moodo in aaysan aheyn sidii hore markan badalay qaabkii aan unoolaay.
4:- maalmaha uu xanuunka ihayo waxa badan qarowgeyga

Fiiro gaar ah:- hada waqtiga lajoogo xanuunkan markuu igu kaco wuxu ihaya mudo isbuuc ah ama laba isbuuc kadib nolosheyda caadi ayeey ku soo noqoneysa walwalkane wuu iga baaba,ayaa.

Fiiro gaar ah:- waxaad moodaa caalamadaha xanuunka in uu kolba si tartiib tartiib ah isu badalayo.

Fiiro gaar ah:- walaalayaal waxa iigu muhimsan oo uu caafimadkeygane ka bilaabankaro waxan aaminsanahy in aay tahay in aan shaki baxo oo aan ogaado xanuunka aan qabo dadka qaar baa idhahaya waxad qabtaa gaas calooled, qaar waxkaleey sheegayan marka in aan shaki baxo ayaan aaminsanahy in uu cafimadkeyga ka bilaabankaro




Offline Aidarus Mohamed

  • Newbie
  • *
  • Posts: 2
  • Points: +0/-0
Re: Su'aal: dhuuso badan iyo aaryo caloosha?
« Reply #1 on: November 13, 2019, 06:15:11 PM »
Walaalayaal calaamadaha aan post-gii hore ku sheegay waxan ka ilaabay labo calaamadood oo kala ah;-
1:- Dhuuso badan
2:- aaryo caloosha ku wareeganeyso

Mahadsanidiin jawaabtiina insha allh waan sugayaa


 

Su'aal: Dhidka badan iyo Cabsida"xishoodka"?

Started by AhmeddaahirBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 15771
Last post October 19, 2016, 06:58:27 PM
by SomaliDoc
Su'aal: waxan qabaa cabsi ah in aan dadka ka cabsado sida meelaha dadka badan joogan?

Started by FaraxBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 21062
Last post May 11, 2011, 04:28:24 PM
by Shenamic
Su'aal: Birta dhiiga oo badan? Wareega dhiiga oo yar? Qufac markii aan ordo?

Started by DurdurBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 15511
Last post May 19, 2011, 08:49:53 PM
by SomaliDoc
Su'aal: Ma jiraa Natural Viagra - Maadaama Kiniiniga Viagra Dhib-badan yahay?

Started by AarDacarBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 3
Views: 78153
Last post August 12, 2015, 01:45:58 PM
by SomaliDoc
Su'aal: Cuncunka inta u dhaxaysa labada biri ee dilac yar oo xanuun badan wata?

Started by AyanitaBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 48059
Last post November 17, 2009, 07:36:08 PM
by SomaliDoc