Diseases and Conditions > Qaybta Su'aalaha
Su'aal: Mudadee laqaataa vit b12 injection?
(1/1)
Gaacuur_yare:
Waan salaamayaa dhakhaatiirta somdoc. salaan kadib.
Waxaan dareemayaa kabuubyo , ubadan lugaha iyo faraha gacmaha, daal saa'id ah tabar daro, barar lugaha hoose ah.
Waxaan booqday dhaqtar nerfaha qaabilsan blood test ayuu ii diray, result waxaa la yiri vitamin B12 ayaa ku yar 95pg/ml. waxaa laii qoray vitamin b12 injection hal usbuuc maalin kasto ah, ka dibna usbuucii hal cirbad afar usbuuc, kadibna bil walba hal cirbad.
Muddo illaa 3 bil ah ayaan wadaa daawadii walina kabuubyadii way jirtaa inkasta oo sidii hore ay dhaanto.
Suaashaydu waa intee ayey qaadanaysaa inay dhamaato kabuubyadaas? Sidoo kale muddo intee le eg ayaa lawadi karaa daawada? Mala qaadan karaa bishii laba jeer ama kabadan.
Mahadsanidin.
Navigation
[0] Message Index
Go to full version