Author Topic: Su'aal:Halka feedhuhu ku kulmaan ayaa I xanuuneysa  (Read 2542 times)

0 Members and 1 Guest are viewing this topic.

Offline Nani

  • Newbie
  • *
  • Posts: 2
  • Points: +0/-0
Su'aal:Halka feedhuhu ku kulmaan ayaa I xanuuneysa
« on: January 24, 2020, 12:27:10 AM »
Asm doctor-rada qaliga ah, aad iyo aad baad ugu mahadsantihiin Shaqada hawlkar-nimada ah ee aad u haysaan umadda somaliyeed ee ku taxaluqda dhinaca caafimaadka,waxana aan Allah idinka baryayaa inuu miisaanka xasanaadka idiinku daro hawshaas. Haddaan u gudbo waydiimaha aan tabanayana,
Dhakhaatiir waxaan qabaa su'aal::
In muddo ahba waan xanuunsadaa markii ugu horeysay midhiciraha ayaa i xanuunay one weak kadib farmashi baan tagay gaasbayna igu sheegeen, dawooyin bey ii qoreen muddo todobaad ku eg,waana qaatay, lkn mindhiciradii xanuunku kuma badno lkn marka gaajo dareemo waa la igaga dhegdhegaa balse bogga ayaa xanuun permanent ah la igaga istaagay hepatatis B waa la iga baadhay malihid baa la i dhahay,inta badanna xanuunkeygu wuxuu ku meeraa halka feedhuhu ku kulmaan ama meesha dadku labxada dhahaan, feedhaha midigna, waliba feedha ugu hooseyna ee ka bilaanbanta barta feedhuhu ku kulmaan ilaa caloosha qaybteeda midigna barar ah sidii murqo kuusan oo kale,haddii tusha laga taabtana aan xanuun lahayn jeeroo feedhaha aad loogu cadaadiyo ma ahane ayaan leeyahay, waxana ii dheer in marmarka qaar aan xanuun aad ah ka dareemo illaa saablayda oo dhan, waliba labada seedood ee qoorta kuna taxan hungurigaiyo waliba illaa madaxa, waxaana iisii dheer murqaha kelyaha dabadooda illaa qoortaa taxan walibana taxa lafdhabarta ku teedsanna wey i xanuunaan. Dictor wali calaamadihii xanuunkan baa aan ku dhex jiraaye, Haddii aan u seexdo dhinaca bidix waxaa guux iyo qururuc(hawo iga dhex guuxdaa) ay ka bilaabantaa xundhurta dhinaca midigta ka xigta, waxaana aan moodaa in wixii aan cunay ee galay malawadka weyni uu dib ugusoo noqonayo caloosha iyo hunguriga, guuxaas kadibna aad daaco iska doon doono illaa aan xoor yar daaco deeta afka inta uun soo gaadhina uu caloosha dib ugu noqdo. Caado dhaqameed baa la igu dayey, Qansin xidid wax la yidhi baa la iga gubay, waxana is moodaa dhabarkiyo inaan ka ladanahay  murqaha lkn xanuun joogto ah ayaa iga haya meeshass( labxada) .
Hadaba doctors xanuunkaa muxuu noqonkaraa?
Ma ii faah faahin kartaan waxaa qabsin xididka lagu sheegay?

Aad baan u mhdsan thn doctors, waxaan idinka rajeynayaa in aad iiga soo jawaabtaan su'aalahaas.