Author Topic: Su'aal: Xubintayda taranka wuu i xanuunayaa?  (Read 2801 times)

0 Members and 1 Guest are viewing this topic.

Offline Xuseen badmaax

  • Newbie
  • *
  • Posts: 4
  • Points: +0/-0
Su'aal: Xubintayda taranka wuu i xanuunayaa?
« on: February 26, 2020, 10:32:58 AM »
Asc DR allaha idinka abaal mariyo sida aad u cawinaysaan dadka xanuunada ka cabanaya. Intaa kadib, mudo 2 sanadood ah xubinkayga taranku wuu i xanuunaya markaa aan xirto dhar oo dhan si kale hadaan u dhigo wax walba oo taabta uma adkaysanyo oo marka aan dhaqaaqo way i lisayaan. Xanuun kuna waa inta hore ee usha, xuub yar ayaa ku samaysma markasta hadana wuu iga dhacaa marka aan maydho ama uu ku raago meesha hadiiba ay wax taabtaan uma adkaysanyo xanuun awgii. Sababta igu keentayna waa inaan siigaysan jiray ilaa yaraantaydii ma garanayo xili aan bilaabay siigada balse waxaan ku garaadaystay anoo samaynaya falkaa xun.qaabka aan u samayn jiray wuu ka duwan yahay sida badanaa ay dadku u sameeyaan, xubintayda ayaan meel adag la doonan jiray anoo ku cadaadinaya meeshaa adag calaa barbar isla markaan samaynaya dhaqdhaqaaq aada si aan u dareemo raaxo intii aan yaraa biyo igama imaan jirin balse markii aan waynaaday biyo ayaa iga imaan jiray anoo raaxo dareemaya, dhaawac ayaa marwalba igasoo gaadhi jiray xubinta inteeda hore qolof ayaana saarmi jirtay mar walba markay bugsato meeshu ayaan hadana ku noqon jiray. Maalin ayaan maydhay anoo qoloftii leh kadibna way iga dhacday meeshii oo aan bogsan, maalinkaa wixii ka dambeeyay meeshii waxaa kusoo hadhay xuubkaa yar hadaan dhaqaaqo anoo dhar xidhana si aada ayey ii xoqayaan markii dhawr bilood aan sidaa ahaa ayan u istcmaalay saliido iyo daawo dhaqameed kadibna waxaan u tagay dhakhtarad american ah oo ka hawl gasha s.land oo ah mesha aan joogo. Waxay ii sheegtay inaan iska joojiyo dawo dhaqameedka. Waxayna ii qortay labo dawo oo dusha laga marinayo wx cfmd ahna kama helin hada waxaan ka imi dhakhtar Ethiopian ah wxuu iisoo qoray kaniino afar ah oo kala ah aciclovir 400 mg, panref pantopraxole, APF doxycap 100 mg, ciprobid 500 mg. Dhakhatirtu waxay i waydiiyaan inan u tagay haweenay dhiigle wxanan u shegaa inan u tagin. Hadii kaniinadaa hada aan wado ilaahay dawada iigu daro waa alxamdulillah hadaan ku cafimadi waayana maxaad igula talin lahayd DR.




Offline Xuseen badmaax

  • Newbie
  • *
  • Posts: 4
  • Points: +0/-0
Re: Su'aal: Xubintayda taranka wuu i xanuunayaa?
« Reply #1 on: March 16, 2020, 05:09:51 AM »
Way ii dhamaadeen daawooyinkii maalmo dhawayd wax isbadal ahna kama hayo


 

Su'aal: Yaraanta xubinta taranka ragu wax ma u dhimi kartaa wada noolaanshaha

Started by BarkhatBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 9
Views: 30362
Last post October 12, 2015, 05:51:42 PM
by Ayanleh
Su'aal: Haduu qofka xubin tiisa taranka ay tahay 13cm ama 5inch?

Started by Mr MahamedBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 2
Views: 15650
Last post March 25, 2016, 09:18:40 PM
by SomaliDoc
Maxaa Keena Nabarada Ku Dhaca Qaybta Hore ee Xubita Taranka?

Started by AdamAliBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 4979
Last post January 19, 2021, 11:40:33 AM
by Milica_soomali
Su'aal: Maxa keena in xubinta taranka ragga ay hoos u qallocato?

Started by XikmaawiBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 7979
Last post March 03, 2016, 02:27:40 PM
by SomaliDoc
Su'aal: Waxaan leeyahay neef dhanka xubinta taranka?

Started by ChoukriBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 10579
Last post January 14, 2015, 12:30:12 PM
by SomaliDoc