Author Topic: Waa Maxay Iskitsoofiriiniya (Schizophrenia)?  (Read 40713 times)

0 Members and 1 Guest are viewing this topic.

Offline SomaliDoc

  • Moderator
  • *****
  • Posts: 4709
  • Points: +3/-1
  • Gender: Male
  • Ilaahayow Dal Nabad Qaba iyo Dad Caafimaad Qaba!
    • Somali Medical Association
Waa Maxay Iskitsoofiriiniya (Schizophrenia)?
« on: April 03, 2008, 05:26:15 AM »


Iskizofereeniya (Schizophrenia) waa jirro aad u daran oo qofka ku keenta dheellitirnaan la’aan sida uu qofku u fakaro, ama dareenkiisa, ama falalkiisa.
Qofku wuxuu kala kulmayaa dhibaato kala saaridda dhabta iyo khiyaaliga . Calaamadahiisa waxaa ka mid ah qofka oo maqla ama arka waxaan jirin, qofka oo si joogta ah ugu maleeya in la fiirsanayo ama la daba socdo, dabeecado aan caadi ahayna muujya. Iskizofereeniya (Schizophrenia) ma aha qof dhawr qof isugu jira (multiple personality) sida dad badan u haysataan. Sidoo kale ma aha sida dad u haystaan oo ah inuu qofka cudurkan qaba yahay qof gacan qaad badan (violent) sida telefishinada iyo aflaanta laga sii daayo, runtii aad buu ugu yar yahay arrinkaasi dadka jiradan qaba.

Cilmi-baarayaasha cudurkan, waxay leeyihiin sida cudurka kansarku uu u leeyahay qaybo kala duwan ayaa jirada Iskizofereeniya (Schizophrenia) u leedahay qaybo kala duwan, mana aha hal jiro oo qura.

Badanaa jiradani waxay bilaabataa xilliyada uu qofku qaan gaarayo, cilmi baaris ayaa tilmaantay in ay dhaxaltooyo noqon karto qaadida cudurkaasi. Tusaale ahaan ilamaha waalidkiis mi ka mid ah qabo jiradan, waxay u badan tahay inuu boqolkiiba 10 cudurkaas qaado haddii
loo barbar dhigo ilmo aysan labadiisa waalid midna qabin jiradaas boqolkiiba 1 oo kaliya la filayo inuu qaadi jiradaas. cilmi baaris cusub ayaa muujisay inay jirada tahay dheelitir la’aan dhinaca qaab dhismeedka maskaxda iyo unugyada (biochemical) kiimikada dhaqadhaqaaqooda.

Cilmi baarayaasha waxay u muuqadaan inay isku raacsan yihiin bay’adda ama degaankuna inuu saamayn ku leeyahay qaadida jiradaas.

Waxayaabaha muujiya jiradan waxaa ka mid ah: delusion oo khiyaali aan sal lahayn oo qofku rumeeyo, hallucination oo ah maqlid ama
arag waxaan jirin, ama dareemid waxaan jirin sida gubasho, hab fakar qaab daran. Waxaa iyana iyana ka mid astaamaha lagu garto qofka oo dadka ka dhexbaxa, dadka qaar iska sanifa, bilaa sabab fal ugu kaca iyo xamaasad aan sabab cad lahayn. Waxaa lagu gartaa oo kale in astaamahani ka muuqdaan qofka jirada qaba ugu yaraan laba asbuuc, iyo qaarkoodna ku muuqdaan lix bilood.

Waxyaabaha ay wadaagaan dad badan oo qaba iskitsoofiriiniya waxaa ka mid ah:
• Dhalanteed (wax la rumeysan yahay oo dhabtii aan jirin)
• Isku-sawirid (hallucinations) (dareenka waxa dhacaya oo aan dhabtii jirin)
• Fikrad aan habeysanayn oo ku saleysan dhalanteed iyo isku-sawirid
• Dhaqan aan caadi ahayn oo ka imanaya saddexda xaaladood ee kale.
Iskitsoofiriiniya waxay badanaa u bilaabantaa si degdeg ah oo daran (iskitsoofiriiniyada daran), waxaana ay noqon kartaa cudur muddo dheer jira. Tiro ku dhaw 80% dadka ay ku dhacday markii ugu horeysay ayaa ka ladnaan doona, laakiin 70% ayay mar labaad ku dhici
doonto gudaha shan ilaa toddoba sannadood.
Laba qodob oo muhiim ah:
• In badan ayaa iskitsoofiriiniya ku khalda ruuxa “laba shakhsiyadood” leh (split personality) ama “shakhsiyaad badani” ku jiraan. Hase yeeshee iskitsoofiriiniya waxaa loola jeedaa marka ay jiraan faraq u dhexeeya fikirka iyo dareenka, ee kuma saabsan shakhsiyadda qofka.
• Dadka qaba iskitsoofiriiniya waa dhif inay halis u yihiin dadka kale. Kuwa cudurka qaba intooba badani waa dad jilicsan oo iyagu isku kooban oo ay u badan tahay inay naftooda waxyeelaan halka ay dadka kale waxyeelo u geysan lahaayeen.

1- Waa maxay Iskitsoofiriiniya (Schizophrenia)?
2- Maxaa calaamado ah ee lagu gartaa Iskitsoofiriiniyada?
3- Maxaa sababa cudurka Iskitsoofiriiniyada?
4- Sidee loo baaraa cudurka Iskitsoofiriiniyada?
5- Sidee loo daaweeyaa cudurka Iskitsoofiriiniya?

Wixii su'aalo aad qabtid iigu soo dir halkaan: http://somalidoc.com/smf/index.php/board,31.0.html
http://somalidoc.com


Abdullahi M. Mahdi waa dhakhtar soomaaliyeed oo ku takhasusay Cudurada Guud (Internal Medicine) Cudurada Faafa (Infectiouse Diseases) iyo Cudurada Dhulalka Kuleylaha (Tropical Medicine), Sidoo kale waa Qoraa si joogto ah bulshada uga wacyi galiyo bogga "SomaliDoc.com" oo uu aasaasay bilawgii sanadka 2007.

Igala Soco:
   


 

Waa maxay "Garguurato" ama "Uuryaal"?

Started by KamalBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 66485
Last post May 22, 2009, 01:41:01 PM
by SomaliDoc
Waa maxay "Angina"?

Started by SomaliDocBoard Cudurrada Guud

Replies: 0
Views: 69508
Last post February 05, 2008, 07:56:57 AM
by SomaliDoc
Su'aal: Waa maxay "Burseelku"?

Started by Ahmed_IndhayareBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 2
Views: 62429
Last post September 01, 2009, 02:23:15 PM
by SomaliDoc
Su'aal: Waa maxay "gynecomastia"?

Started by AnassmBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 46715
Last post May 06, 2018, 01:17:25 PM
by SomaliDoc
Su'aal: Waa maxay "Priapism"?

Started by Ahmed_CarabBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 44968
Last post January 22, 2019, 08:47:10 PM
by SomaliDoc