Author Topic: Dr iiga jawaab  (Read 6529 times)

0 Members and 1 Guest are viewing this topic.

Offline zaki86603

  • Newbie
  • *
  • Posts: 4
  • Points: +0/-0
Dr iiga jawaab
« on: April 30, 2021, 08:15:59 AM »
MAXAA SABABA DHIMASHADA KADISKA AH EE HURDADA DHEXDEEDA AH?

Qof ayaa seexdey isaga oo caafimaad qaba dabadeed waa uu dhintey si kadis ah hurdada dhexdeeda oo subaxdii isaga meyd ah ayaa loo yimid!

Waxaan isla markaas aan maqalnaa sheekooyin murugo leh oo ay asxaabtiisu is weydaarsanayaa una dhacaya sidaan
"Xalay caadi ayuu ahaa inta uusan seexan ka hor ayaan la hadlay, online ayuu ahaa saacado ka hor muxuu sidaan kadiska ah ugu dhintey?????????????

Hadaba dhimashadaan kadiska ah ee habeenkii qofka soo wajahda ayaa lagu sababeeyey inteeda badan in ay dhacdo marka aad si kadis ah adoo hurdo ku jira ay inta ay kaadi ku qabato aad si deg-deg ah kor ugu soo boodo aadna istaagto adiga oo dhanka Suuliga ama musqusha u cararaya,

Waxaana dhimashadaan kadiska ah sababaysa isla marka aad si kadis ah kor ugu soo boodo waxaa qulqulka dhiiggu uu ka go'ayaa maskaxda dabadeed waxaa markiiba wadnaha ka go'aya qulqulkii dhiigga maadaama markii aad hurdey uu xaalada jirku ay ahayd mid degenaan ah,
 sidaasna waxaa howl gab u noqonaya maskaxda iyo wadnaha dabadeedna dhimasho ayaa xigta????????????????

SIDEE UGA HORTAGI KARTAA IN AAD WAJAHDO XAALADAN KHATARTA AH?

Illahay ayaa dhimashada  haya qadartana lama baajin karo lkn waa dadaal tilmaamahan hoose oo kaliya,

1= isla marka ay kaadida ku qabato adiga oo hurda waxba haboodin is daji indhaha kala fur ugu yaraan daqiiqad iyo bar sariirta ku dul jiif.

2= dabadeed si degan u fariiso sariirta dusheeda daqiiqad iyo bar kale.

3= dabadeeed adiga oo fadhiya lugaha hoos u sii deyso daqiiqad barkeed.

4= markaas kadib aad Suuliga ama musqusha.

Saddexdaas daqiiqo iyo badhkaas hadii aad sidaas aan kuu tilmaamay aad yeesho, maskaxdaadu waxay kusoo laabanaysa xaalada deganaaanta  ah ma noqon doonto dhiig-yaraan wadnahaaguna ma dici doono, taas oo kaa yaraynaysa halista dhicista iyo dhimashada degdegga ah.

 La wadaag qoyskaaga, asxaabtaada iyo kuwa aad jeceshahay.  Tani qof walba ayey wajihi kartaa gaarsii fariintaan asxaabtaada kuugu dhaw macquul in ay gaarsiinta fariintan ay nafo  badan khatartaan ka badbaadiso.

W/Q  Dr amen

Arin maxaa ka jira




Offline Milica_soomali

  • Full Member
  • ***
  • Posts: 64
  • Points: +0/-0
Re: Dr iiga jawaab
« Reply #1 on: May 11, 2021, 03:54:02 PM »


 

Su'aal: Waxaa dhuunta ilaa qoorta iiga yaal buur buur?

Started by XikmaawiBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 15125
Last post February 28, 2016, 01:40:51 PM
by SomaliDoc
Su?al: Seddexdii biloodba indhaha waxaa iiga soo baxaa nabar yar oo cuncun leh?

Started by Dr baddalBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 3
Views: 15249
Last post March 17, 2011, 11:26:04 PM
by SomaliDoc
Su'aal ku saabsan jirka dhexdiisa iiga socdo hawo guureyso?

Started by Maxamed1969Board Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 18552
Last post August 13, 2010, 03:34:13 PM
by SomaliDoc
Su'aal: Cabeeb labadii biloodba mar ayuu carabka iiga soo baxaa?

Started by ShuuriyeBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 7305
Last post May 19, 2011, 08:43:10 PM
by SomaliDoc
Su'aal: Waxaa wajiga iiga soo baxay baro yaryar oo badan?

Started by ZazkyBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 8937
Last post April 23, 2013, 01:45:58 PM
by SomaliDoc