Author Topic: Hemoglobintayda ayaa badan.  (Read 2536 times)

0 Members and 1 Guest are viewing this topic.

Offline CAGASAXAR

  • Newbie
  • *
  • Posts: 7
  • Points: +0/-0
Hemoglobintayda ayaa badan.
« on: October 19, 2022, 12:26:54 PM »
Asc Doctor, Da'daydu waa 27 xoogaa waxaa in mudo ah dareenay naqaska oo igu yar (shortness of breath) kadib waxaan tagay dhakhtar baaritaan kadib wuxuu ii sheegay in xididada wadnaha mid kamid ah wax ka khaldanyihiin laakiin maalmo kadib COVID-19 ayaa la iga helay kadib waan ka caafimaaday ilaa labo dhakhtar oo dambe oo mid kamid ah Cardiologist yahay ayaan booqday labaduba wadnaha baadhitaan iiga sameeyay waxayna ii sheegeen inaana wax dhib ah ka qabin wadnaha laakiin waxay igula taliyeen inaan iska rido hilibka madama aan cuslaa xoogaa. Kadib exercise ayaan bilaabay isbuuc ayaan waday ilaa 40 daqiiqo ayaan machine speed 6.5 ah ku socon jiray wax dhib ah kama dareemi jirin alxamdullilaah habeen habeenada kamid ah ayaa dareemay sida anigoo dhici rabo, waan ka dagay dib ayaan u bilaabay ilaa 30 daqiiqo ayaan sii waday alxamdullilaah waxba ma dareemin, habeenki dambe ayaan soo laabtay sidi oo kale ayaan dareemay laakiin habeenkan macal fadhiga waan kari waayay waxaan dareemayaa sida inaan dhici rabo oo neeftu igu istaagi rabto. Dhakhtarki ayaan ku laabtay wuu i baadhay waxba majiraan kaa khaldan ayuu dhahay, laakiin HEMOGLOBINTA ayaa High ah ayuu dhahay 19 ayey noqotay ee dhiig iska shub soo laabo kadib waan shubay waxayna noqotay 17.4 hadana isbuuc kadib wali lalabadi, wareerki ahaa sida inaan dhici rabo ayaan dareemay waan ku noqday Hemoglobintaydi 18 ayey tagtay markale hadana wuu ibaadhay wuxuu dhahay baadhitaankaadu waa nadiif wadnaha, sambabada kuli waa nadiif.

Doctor markaan wareeraayo meel ima xanuunayso sida qof dhici rabo kaliya ayaan dareemayaa, neefta iyara dhibayso, cagaha iyo gacmaha way idhididayaan waana qabow mararka qaar waxaan iskaga shikiyaa xanuun nafsi ah ama quraan u baahan waayo wax xanuun ah anigoon dareemin ayaan dareemayaa inaan dhici rabo ama wadnaha i istaagi rabo hadana waa iska socdaa daal saaid ahna waan leehay.