Asc,
Waxaan rabaa maanta inaan ka hadlo mawduuc aad muhiim u ah oo ku saabsan dhibaato bulshadeena ku badan.
Waa kabniinka jeestada oo lagu xiro iyadoo aysan jab jirin, waana arrin ku badan bulshada oo aan maalin walba la kulanno, taasoo ay keentay aqoon la'aanta qofka raajada akhrinayo iyo iyaddoo aan dhib wayn loo arkin in qofka kab la saaro sabab la'aan iyadoo dhianc dhaqaalo laga fiirinayo.
Dhibaatooyinka kabka jeestada ay keento iyadoo aan loo baahnayn waxaa ka mid ah:
- Lafta la duubay ama la kabay muruqeeda oo dhinto, kadibne la arko lugtii ama gacantii oo tan kale ka yaraatay, waxaa arintaan loo yaqaanaa "Muscle Atrophy", wayna dhib badan tahay in laga soo kabsado.
- Wareegga dhiiga oo kala xirmo sababtuan waa jeestada oo cadaadis saarayso xididada, tanne waxay ka dhalataa aqoon yarida iyo khibrad la'aanta qofka kabka xirayo, tan waxay keentaa in xubintu ay bararto taasoo dhibka sii kordhinayso haddii aan xubinta la badbaadin, kadibne lugta ama gacantu way dhimanaysaa haddii kabkaas lagu dhaafo.
- Xinjiroobista xididdada arooriyaasha, tanne waa cillad kale, loona yaqaanno "DVT", oo ah in xinjir ku samaysanto xididka ku aadan meesha la kabay taasoo keeni karto dhibaatooyinka hor le oo ah in xinjirta fariisato meelo halis ah sida sambabada oo kale, faahfaahinta cudurkaan ka akhriso qoraalkaan: http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,1460.0.html
- Kalagoyska oo xannibmo, arintaan waxay dhacdaa haddii kabka la saaro meel kalagoys ah, taasoo keento in kalagoyskaasi uusan qofka isticmaalin in muddo ah, kadibne sidaa ku qolfoofo, markii jeesada ama kabka la furo, qofka ma isticmaali karo kalagoyskaas maadaama uu isku raysatay, iyadane waa dhibaatooyin badana aan la kulanno.
- Neerfaha oo dhaawac gaaro, arintaan iyadane waxay dhacdaa markii kabka la saaro meelaha neerfaha jirka ka maro, taasoo keeni karto in dareenka ka guuro qeybta dareensidahaasi quudin jiray, kadibne sidaas neerfaha ku dhinto.
- Dhaawaca maqaarka ku samaysmo, waxaa jiro dad jabniinka intay daawo mariyaan, kadibne kab saaro, weliba gobollada ayaa aad looga yaqaanaa, taasoo meeshii waxa la mariyay, kadibne kab la saaray markay huurto ay isdayso, maqaarkane fiiqmo sidaa caabuq halis ah qofka ku qaado, maadaama bukaanka uusan u jeedin waxa maqaarka hoose ka jiro, waxuu yimaadaa isbitaalka markuu urka meesha ka soo baxayo u adkaysan waayo.
Ugu dambayn waa muhiim kabka, waana qeyb ka mid ah daaweynta laakiin waxaa shardi u ah in qofka u baahan yahay, sida saxda ahne loo saaro, bukaanakne aan la iska fasaxin oo loo sheegto waxyaabo hadduu isku arko inuu isbitaalka u soo laabto ay tahay.
Sidoo kale waxaa jiro jabitaanno qaar aan lagu kabi karin kabniinka jeesada, taasina waxaa muhiim ah in laga la tashto dhakhtar ku takhasuusay kabniinka lafaha, sababtoo ah waxaa aragnaa bukaan aan kab jeesto waxba ka tarayn oo dhowr bil markuu ku xirnaa kadib loo sheego "jabkaaga ma kabmaayo ee dhakhtar lafo raadso".
Takhassuska qalliinka lafaha waa muhiim, laakiin qeyb badan oo bulshada ka mid ah kama dhaadhacsano ahmiyaddiisa, waxayna aaminsan yihiin in kabka iyo jeeso saarista ay tahay wax qof walba samayn karo, sawirka raajadane uu qof walba akhrisan karo.
Dhibaatooyinka kale waxaa ka mid ah, kalabax, seed dillaacay ama go'ay in kab lagu xalliyo!!!
Akhirso qoraallo la xiriira: Cuntooyinka kabniinka dadajiyo:
http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,6485.0.htmlQof jabay ma galmoon karaa:
http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,7027.0.htmlMahadsandiin.
Wixii su'aalo ah noogu soo gudbi qeybta su'aaalah insha'llah.