Diseases and Conditions > Cudurrada Maskaxda

Sidee lagu ogaadaa cudurka Iskitsoofiriiniyada?

(1/1)

SomaliDoc:
Dhakhtarka maskaxda ayaa sheegi doona iskitsoofiriiniya marka ay jirto marag-kac ah in qofku si weyn u moogan yahay ama aanuu ka warqabin dhabta adduunka taasoo lagu garto mid ama qaar ka mid ah calaamadahan soo socda oo jira dhawr bilood:
• Fikrad u-dhiibid: waa rumeyn uu qofku rumeysto in qof kale uu fikrado ku gurayo madaxiisa.
• Fikrado la maqalo: waa rumeynta in dadka kale maqli ay karaan fikradahaaga marka ay kugu soo dhacaan.
• Dareen ah awood la’aan: rumeyn uu qofku rumeeyo in fikradiisaha iyo waxqabadkiisa uu xukumo qof kale.
• Qofka oo maqla codad faalo ka bixinaya waxqabadkiisa.
• Waxyaabo kale oo qofku rumeysto oon dhab ahayn oo qofku ku soo galay kadis.
• Isku-sawiridda maadiga ah: Tusaale ahaan, qofka oo rumeysta in qof kale habeenkii ku dul fadhiyo.
1- Waa maxay Iskitsoofiriiniya (Schizophrenia)?
2- Maxaa calaamado ah ee lagu gartaa Iskitsoofiriiniyada?
3- Maxaa sababa cudurka Iskitsoofiriiniyada?
4- Sidee loo baaraa cudurka Iskitsoofiriiniyada?
5- Sidee loo daaweeyaa cudurka Iskitsoofiriiniya?
wixii su'aalo ah halkaan ku weydii
SomaliDoc

Navigation

[0] Message Index

Go to full version