Ishu waxay ka sameysan tahay saddex qaybood.
• Qaybta cad iyo bikaacda oo iftiinka ku duwa xagga hore ee isha.
• Xuubka dambe (retina), oo ah xuub iftiinka dareema oo ku yaalla xagga dambe ee isha,
• iyo dareemeyaasha aragga (Optic Nerves), oo ah tiro badan oo ah xarko isgaarsiin oo taga maskaxda.
Dad badan ayaa leh dhibaatooyin aragga ah oo u baahan inay gashadaan muraayadaha indhaha ama lensiska indhaha (contact lenses). Saddex dhibaato ee aragga ee ugu tirada badani waa:
Fogaan aragMagaca dhakhaatiirtu u yaqaanaan fogaan aragga waa ‘hypermetropia’. Dadka leh fogaan aragga waxa dhib ku ah aragga waxyaabaha u dhaw. Sababta taa keenaysaa waxa weeye kubbadda isha oo aad u gaaban, taasoo keenaysa in falaaraha iftiinka ee ku wareegsan walxaha la arko ay gaaran xagga dambe ee xuubka isha (retina) ka hor intaan qaybta cad (cornea) iyo lensisku qaloocin falaaraha iftiinka.
Fogaan araggu waxa uu badanaa sii xumaadaa marka aad sii gabowdid, waxa kale oo uu saameyn karaa habka aad u aragtid walxaha fogfog. Dadka leh fogaan arag waxay badanaa u baahan yihiin inay xirtaan muraayado sixid arag sida muraayadaha indhaha ama lensiska indhaha si ay wax u akhriyaan, u qoraan una qabtaan hawlo faahfaahsan.
Dhawaan aragMagaca dhakhaatiirtu u yaqaanaan dhawaan aragga waa ‘Myopia’. Dadka qaba dhawaan aragga waxa dhib ku ah aragga waxyaabaha ka fogfog sababta oo ah kubbadda isha ayaa aad u dheer. Tani waxaa loogu jeeda in qiyaasta ay isku jiraan qeybta kore ee isha iyo xubka danbe (retina) ayaa kala dheer. Markii aan shey fiirino, iftiinka wuxuu soo maraa isha wuxuuna gaaraa xubka danbe. Haddii qeybta hore e isha aad uga fog tahay xubka danbe iftiinka wuxuu istaaga qeybta hore e xubka danbe intii u xubka danbe gabigiisaba iftiimi lahaa, taaso dhibaateeynaaya in waxyaabaha fog fog si fiican loo arko.
Dadka qaba dhawaan aragga waxay badanaa u baahan yihiin inay xirtaan muraayado sixid arag sida muraayadaha indhaha ama lensiska indhaha si ay baabuur u wadaan una qabtaan hawlaha shaqo ku leh eegista waxyaabaha fogfog. Dhawaan aragga waxa marmarka qaarkood lagu daweeyaa qalitaan laysar.
CawarnaantaCawarnaantu (Astigmatism) waa marka isha qaybta caddi aanay si siman u sameysnayn, taasoo keenaysa in iftiinku ku kulmo qaybaha qaarkood ee shay, laakiin aanuu dhamaan shayga ku kulmin. Dadka aan wax dhib ah aragga ka qabin qaybta cad ee ishoodu waxay leedahay qaab ah kubbadda koleyga, halka dadka qaba cawarnaan uu qaabka isha qabteeda caddi ay leedahay qaab ah kubbadda rugby-da.
Dadka qaba cawarnaanta waxay caadi ahaan u baahan yihiin inay xirtaan muraayadaha indhaha ama lensiska indhaha si ay u saxaan araggooda.
Arag wax-ka-qabid waxa loo isticmaalaa in lagu tilmaamo dadka indho la’ ama bar ahaan wax arka, ee loolama jeedo dadka qaba fogaan arag ama dhawaan arag. Qofka aragga waxa ka qaba araggii ayaa wax ka lumay ama araggiisii ayaa doorsoomay. Iyadoo ay ku xiran tahay sida lumidda araggu u daran tahay, waxa xaaladaha loo yaqaana ‘arag bar ah’ ama indho la’aan.
Arag bar ahQof leh arag bar ah ama arag si daran u hooseeya waxa uu leeyahay arag si daran u hooseeya laakiin ma indho la’. Waxa tan uu Ururka Caafimaadka Adduunku ku qeexay (World Health Organisation) qofka aan si cad u arki karin inta farood ee la tusay ee u jira fogaan ah 6 mitir ama ka yar (xiitaa isagoo gashan muraayadaha indhaha ama lensis).
Indho la’aanQofka indho li’i waxa uu qabaa lumid arag oo aad u daran mana awoodi karo inuu si cad u arko inta farood ee laga tusay fogaan ah saddex mitir ama ka yar (xiitaa isagoo gashan muraayadaha indhaha ama lensis). Hase yeeshee, waxa laga yaabaa inuu wali leeyahay xoogaa ah arag ama iftiinka uu dareemi karo.
Halkaan ka akhriso qoraal kale: Sidee U Xifdiyaa Araggayga?
Wixii su'aalo ah oo ku saabsaan casharkaan iigu soo dir halkaan:
http://somalidoc.com/smf/index.php?board=31.0http://somalidoc.com