Author Topic: Qeybaha Baaritaanka Indhaha  (Read 22945 times)

0 Members and 1 Guest are viewing this topic.

Offline SomaliDoc

  • Moderator
  • *****
  • Posts: 4709
  • Points: +3/-1
  • Gender: Male
  • Ilaahayow Dal Nabad Qaba iyo Dad Caafimaad Qaba!
    • Somali Medical Association
Qeybaha Baaritaanka Indhaha
« on: April 12, 2008, 02:56:35 AM »
Baaritaanka indhaha ee ugu muhiimsani waxa weeye baaritaan indho oo fudud oo ka kooban akhriska xuruuf ku yaalla loox. Xuruuftu waxay u sii yaraadaan sadarba sadarka uu ka sii hooseeyo. Haddii aad baaritaanka galaysid markii kuugu horeysay, waa
inaanad gashan muraayadahaaga ama lensiska aragga. Haddii aad baaritaanka hore u gashay oo hore laguugu qoray muraayadaha indhaha ama lensiska aragga, waxa laga yaabaa in muraayado-yaqaankaagu damco inaad baaritaan martid adiga oo gashan muraayadahaaga ama lensiska aragga.

Haddii aad akhri kartid kaliya sadarka ama laynka sare ee looxa baaritaanka, waxa laga yaabaa inay kuu banaan tahay inaad is qortid qof indho la’ ama bar arag leh. Waxa loo baahan doonaa in Dhakhtarkaaga Guud ama muraayado-yaqaankaagu kuu gudbiyo dhakhtar indho oo cisbitaal jooga kaasoo sameyn doona baaritaano kale warqadna u qori doona waaxda adeegyada bulshada ee degmadaada isaga oo xaqiijinaya in lagugu tilmaamay inaad indho la’dahay ama bar arag leedahay. Waxa kale oo laguu qori karaa inaad indho la’dahay ama bar arag leedahay haddii aad akhriyi kartid saddexda sadar ee ugu horeeya looxa laakiin baaxadda araggaagu aad xad u leedahay.

Haddii muraayado-yaqaankaagu go’aan ku gaaro inaad u baahan tahay muraayado ama lensis aad gashato, waxa aad u baahan doontaa inaad martid baaritaano kale si loo ogaado nooca muraayadaha aad u baahan tahay oo sax ah. Waxa laga yaabaa in lagu weydiiyo inaad xiratid lensis gaar ah si aad u eegtid looxyo kala duwan oo ay ku yaalaan xuruuf ama midabo kala duwan.

Muraayado-yaqaankaagu waxa kale oo uu indhahaaga ka eegi doonaa calaamado cudur indho sida guluukooma (glaucoma) iyo cudurka sonkorta xuubka dambe ee isha (diabetic retinopathy), isaga oo iftiin ku ifinaya indhahaaga si uu u arko sida ay iftiinka fal uga keenaan.

Marka uu dhamaado baaritaanka indhuhu, muraayado-yaqaankaagu waxa uu kaala hadli doonaa natiijooyinka baaritaanka waxana uu kaala talin doonaa taalabada ugu wacan inaad qaadid. Waxa kale oo uu ku siin doonaa shahaado sheegaysa inaanad u baahnayn muraayadaha indhaha ama lensis, ama waxa uu kuu qori doonaa warqad ay ku taalo nooca muraayadaha ama lensiska aad u baahan tahay inaad xiratid.

Waxa aad warqadda ka isticmaali kartaa muraayado-yaqaan kasta.
Haddii aad halis sare u tahay xaaladaha sida guluukooma (glaucoma) ama cudurka sonkorta xuubka dambe ee isha (diabetic retinopathy), ama muraayado-yaqaankaagu arkay calaamadaha lagu yaqaano xaaladahaa, waxa laga yaabaa inaad u baahan tahay in laguu sameeyo baaritaano dheeraad ah:
• Baaritaan Baaxadda Arag (Visual Field Test) (oo marmarka qaarkood loo yaqaano ‘Humphrey Visual Field Assessment’ ama ‘perimetry’) waxa lagu baaraa aragga sheedda ah. Inta lagu jiro baaritaankan mid ka mid ah indhahaaga ayaa la daboolaa adiga oo ishaada kale ku qabanaya dhibic meel dhex ah ku taala. Iftiin boodboodaya ayaa marmar lagu soo daayaa bartaa dhexe waxana lagaa rabaa inaad gujisid jaras ama gambalaal markasta oo aad aragtid iftiinka boodboodaya.
Iftiinku waxa uu soo baxaa waqtiyo kala duwan waxana uu ka soo baxaa meelo kala duwan oo looxa ah. Waxa kale oo laga yaabaa inuu leeyahay xoog kala duwan. Ka dibna baaritaanka waxa lagu sameeyaa isha kale iyadoo ishii hore la daboolayo.
Isku-darka, waa in dhameystirka baaritaanku qaato qiyaastii 45 daqiiqadood.

• Waxa kale oo la isticmaalaa cadaadis cabbir (tonometry) si loo baaro xaaladaha ay ka mid yihiin guluukooma (glaucoma). Cadaadis cabbirku (tonometry) waa hab lagu cabbiro cadaadiska ka jira gudaha kubbadda isha . Waxa taa la sameyn karaa iyadoo la isticmaalayo cadaadis cabbire (tonometer), oo ah qalab qadar yar oo ah hawo ku afuufa isha ka dibna baara inta uu le’eeg yahay diisidda ay hawadu
sababtay. Marmarka qaarkood waxa cadaadis cabbiraha si toos ah loo saaraa kubbadda isha waana la cadaadiyaa si akhris loo helo. Waxa laga yaabaa in cadaadis cabbirku (tonometry) uu sababo wax yar oo ah xanuun ah.

• Eegidda gudaha indhahu (ophthalmoscopy) waa hab dhakhtarku uu ku eegi karo gudaha indhaha oo faahfaahsan oo kuu jiro dameemaha araggu. Waxa la isticmaalaa toosh yar oo si aad kubbadda isha loogu dhaweeyo si dhakhtarka ay suurogal ugu noqoto inuu arko wixii aan caadi ahayn.

Wixii Su'aalo ah halkaan ku weydii
NHS Direct - SomaliDoc


Abdullahi M. Mahdi waa dhakhtar soomaaliyeed oo ku takhasusay Cudurada Guud (Internal Medicine) Cudurada Faafa (Infectiouse Diseases) iyo Cudurada Dhulalka Kuleylaha (Tropical Medicine), Sidoo kale waa Qoraa si joogto ah bulshada uga wacyi galiyo bogga "SomaliDoc.com" oo uu aasaasay bilawgii sanadka 2007.

Igala Soco:
   


 

Su'aa: Xanuun caruurta ah Iyo Xanuun indhaha ah?

Started by Nuur12Board Qaybta Su'aalaha

Replies: 6
Views: 23637
Last post September 06, 2011, 09:46:03 AM
by SomaliDoc
Su'aal: Wuxuu bilaabay inuu indhaha bilig bilig ka siiyo?

Started by Abdi21Board Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 7903
Last post June 26, 2017, 10:06:28 AM
by SomaliDoc
Su?al: Seddexdii biloodba indhaha waxaa iiga soo baxaa nabar yar oo cuncun leh?

Started by Dr baddalBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 3
Views: 15249
Last post March 17, 2011, 11:26:04 PM
by SomaliDoc
Daawada Indhaha: ma loo isticmaali karaa soo nooleynta Timaha daatay?

Started by CilmiSabcaBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 11660
Last post January 02, 2013, 10:07:40 PM
by SomaliDoc
Su'aal: Waa maxay Indhaha oo iska ilmeynaya bilaa sabab?

Started by CilmiSabcaBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 16784
Last post August 26, 2011, 09:15:07 PM
by SomaliDoc