Author Topic: Lumista Aragga (Vision Loss)  (Read 57347 times)

0 Members and 1 Guest are viewing this topic.

Offline SomaliDoc

  • Moderator
  • *****
  • Posts: 4709
  • Points: +3/-1
  • Gender: Male
  • Ilaahayow Dal Nabad Qaba iyo Dad Caafimaad Qaba!
    • Somali Medical Association
Lumista Aragga (Vision Loss)
« on: April 10, 2008, 04:15:08 PM »


Xanuuno badan ayaa lumiyo aragga, laakiin waxaa ugu caansan dhowr xanuun oo ku dhaca dadkeena soomaaliyeed iyo umadaha kalaba.

Calaamadaha ugu tirada badan ee lagu yaqaano lumista aragga waa aragga oo si joogto ah u yaraada, iyadoo waxyaabaha kaa fog kala garashadoodu dhib sii noqonayso. Hase yeeshee, waxa jiri kara calaamado kala duwan oo ay leedahay lumista araggu oo aan ahayn yaraanta aragga. Tusaale ahaan:

• Guluukoomada / Bakooro (Glaucoma) darnaanteedu hooseyso waxay keeni kartaa xanuun aan badnayn, arag ceeryaamo ku jiro iyo wareegyo ama goobo leh midabka jeegaanka ama qaanso-roobaadka oo lagu arko agagaarka wixii iftiin leh.
Akhriso qoraal ku saabsan Gulukoomada: http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,1410.0.html

• Burbur goobeed (macular degeneration) ayaa keena arag khaldan; xariijimaha toosan waxa la moodaa inay qalqaloocaan isla markaana ashyaada waxa aad moodaa inay ka weyn yihiin ama ka yar yihiin inta dhabtii ay yihiin, wuxuu xanuunkaan la xiriiraa da'da, kulamaa qofka uu duqoobo halista oo ugu jiro cudurkaan way siyaadaa.

• Caadka indhaha fuulay (cataracts) waxa uu keeni karaa arag isku darsan, midabada oo aad moodid inay khafiifeen iyo iftiinka xoogga leh oo birbirqa ama widhwidhleeya, Akhriso qoraal ku saabsan: http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,1149.0.html

• Ciladda isha qalalani waxay keentaa gubasho, iyo dareen xajiin ah oo indhaha laga dareemo, dabeesha ma qoraxda ku dhacdo isha waxay u geysataa dhaawac kaasoo keeni kara in ishu ay yeelato boog, kadibna araga uu saa ku lumo.

• Sonkorta xuubka dambe ee ishu (diabetic retinopathy) waxay keentaa aragga oo laba noqda iyo arag meel ku-duwidda oo dhib ah, Akhriso qoraal ku saabsan cilladaan: http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,5778.0.html

Calaamadaha lumista araggu waxay si weyn ugu xiran tahay sababta keentay. Xaaladaha qaarkood waxay si degdeg ah u keeni karaan lumis arag, halka qaar kalena ay si tartiib ah u keeni karaan burbur ku dhaca aragga.

Akhriso qoraal ku saabsan dhibaatooyinka aragga la xiriira: http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,962.0.html

Wixii su'aalo caafimaad ah oo aad qabtid iigu soo dir qeybta su'aalaha: http://somalidoc.com/smf/index.php?board=31.0
http://somalidoc.com


Abdullahi M. Mahdi waa dhakhtar soomaaliyeed oo ku takhasusay Cudurada Guud (Internal Medicine) Cudurada Faafa (Infectiouse Diseases) iyo Cudurada Dhulalka Kuleylaha (Tropical Medicine), Sidoo kale waa Qoraa si joogto ah bulshada uga wacyi galiyo bogga "SomaliDoc.com" oo uu aasaasay bilawgii sanadka 2007.

Igala Soco:
   


Offline Hafido

  • Newbie
  • *
  • Posts: 12
  • Points: +0/-0
Re: Lumista Aragga (Vision Loss)
« Reply #1 on: January 15, 2015, 01:50:16 PM »
ASC, Wad mahadsantihin Walalha Dhaqatiirta ee sida wanagsan bulshada ugu faidaynaayo, Waxa wata sual sii daba tagan Cinwankaan Lumista Araga, Maxa lagu daween karaa Hadii aad dareento in Aragaaga UU si xowli Ah usii yaraanaayo, Teeda kale Marka qofka 2 indhood hal kaliya uu wax ku arkaayo hadana uu ku sii shaqeynayo oo uu  ku shaqeeyo computer Sacado dhan 8 sac hadana uu dareemayo in aragiisa sii laciifayo, qofkaasi maqaadan karaa goan ah inuu shaqada iska kansalo maxad kula talinaysiin?
Shukran

Offline SomaliDoc

  • Moderator
  • *****
  • Posts: 4709
  • Points: +3/-1
  • Gender: Male
  • Ilaahayow Dal Nabad Qaba iyo Dad Caafimaad Qaba!
    • Somali Medical Association
Re: Lumista Aragga (Vision Loss)
« Reply #2 on: January 17, 2015, 11:59:02 AM »
Marka hore, haddii aad dareento in araggaaga xowli u sii yaraanayo waa in takhtar indho la xiriirtid si loo ogaado, xanuunka keenayo in indhahaaga ay si dhakhso ah u daciifaan, maxaa yeelay waxaa jiro xanuunno indhaha ku dhaco oo aragga ku lumiyo si dhakhso ah oo cunno ama fitamiinno aysan waxne ka tarin illaa in xanuunkaa la daaweeyo mooyee.

Midda kale, haddii labadaada indhood mid ay daciif tahay waa in aad qaadatid muraayado arag si cadaadiska saaran isha kale u yaraado, markaa ka dib, haddii araggaaga muraayadihii loogu tala galay xeritid, waad ku shaqayn kartaa uma baahnid in aad shaqada ka rukhseysatid.

Fadlan la tasho takhtar indho si loo ogaado cillada indhaha kaa hayso.
Abdullahi M. Mahdi waa dhakhtar soomaaliyeed oo ku takhasusay Cudurada Guud (Internal Medicine) Cudurada Faafa (Infectiouse Diseases) iyo Cudurada Dhulalka Kuleylaha (Tropical Medicine), Sidoo kale waa Qoraa si joogto ah bulshada uga wacyi galiyo bogga "SomaliDoc.com" oo uu aasaasay bilawgii sanadka 2007.

Igala Soco:
   

Offline Hafido

  • Newbie
  • *
  • Posts: 12
  • Points: +0/-0
Re: Lumista Aragga (Vision Loss)
« Reply #3 on: January 18, 2015, 10:12:03 AM »
wad mahadsantihin, isha arageeda yaryahay waa il cudurka squintka aan kaqabo oo da,a wayn aan ku gaaray dhaqtarka indhaha markaan u tagayna wuxu igu dhahay ishan arageeda waa eber wayo waxa wax laga qaban karay xiligii aad 8 sano kayareed, marka waxa ii fiyow hada waaa hal il oo iyada arageeda si xowl uu sii daciifaayo, waxan dareemaa marka aan galbihii shaqada karawaxaayo xanuun said ah isha dhanka isha fiyow ah, malinta aan shaqa tagin oon guriga joogana wax xanuun oon dareemaayo malaha marka waxa walwal igu qabatay shaqada oon isdhahay amay iyada sabab u tahay xanuunka iyo araga sii yaraanaayo ba, isha squintka qabto waxan ku arkaa in ay kasii yaraanayso mida kale dhaqatiirta hadan u tagayna wax ciladas isheego ama sababta keentay yaranta wan wayay marka waxan rabay fafahin dherad inad iga siisaan hadad wax maclumat kahaysaan kala yaraanta indha waxa sababo?
 dhowr dhaqtar oon utagay waxay idhaheen isha mashaqaynayso hadana marka isticmaalayo computerka waxn rabaa in isha fiican aan computerka ku isticmaalo tan kalana aan isku qabto waayo waxaa idhibaayo ilayska marka waxaan fahmi waayay isha aan shaqaynayn hada dareemayso iftiinka

Offline SomaliDoc

  • Moderator
  • *****
  • Posts: 4709
  • Points: +3/-1
  • Gender: Male
  • Ilaahayow Dal Nabad Qaba iyo Dad Caafimaad Qaba!
    • Somali Medical Association
Re: Lumista Aragga (Vision Loss)
« Reply #4 on: January 19, 2015, 02:24:47 PM »
Waa sax in aragga ku lumay squint dartiis aanan la soo celin karin, haddii uu qofku ku weynaado.
Midda kale oo shaqada iyo computer-ka fiirsigiisa aad ka cabanayso waa mid sax ah, khaas ahaan haddii ishaada aysan u adkaysan karin juhdiga aad saarayso tanne waxaa loo yaqaannaa "Eye Strain", waana dhibaatada ugu weyn ee aragga lumiso qofka markuu squint qabo.

Haddii aysan ahayn "Eye Starin" oo ay tahay in iftiinka shaashada ka soo baxayo uu ku dhibayo waxaad ku yarayn kartaa adigoo isticmaalo screen protector ama dhalada lagu rakibo shaashada si iftiinka kaaga celiso.

Midda kale labada indhood dareenkooda wuu isla xiriiraa, siayabo badan ayayne wax ku dareentaa, waxaa dhici karto in iyadoo aysan arag jirin in hadane xanuunka aad mooddo in isla isha aragga beeshay in ay kaa xanuunjinayso.

Waxaan kugula talin lahaa in aad takhtarkaaga indhaha dib ugu laabatid oo aad qaabka wax iigu sheegtay ugu sheegtid iyo in shaqadaada iyo isticmaalka computerka ay ishaada xamili karto iyo in kale.

Caafimaad ayaan kuu rajaynayaa
Abdullahi M. Mahdi waa dhakhtar soomaaliyeed oo ku takhasusay Cudurada Guud (Internal Medicine) Cudurada Faafa (Infectiouse Diseases) iyo Cudurada Dhulalka Kuleylaha (Tropical Medicine), Sidoo kale waa Qoraa si joogto ah bulshada uga wacyi galiyo bogga "SomaliDoc.com" oo uu aasaasay bilawgii sanadka 2007.

Igala Soco:
   


 

HCG Recipes - Human Chorionic Gonadotropin Weight Loss

Started by DietDocBoard Clinical Rotations

Replies: 0
Views: 20492
Last post March 08, 2011, 02:19:57 PM
by DietDoc
Timaha daata ama xanuuna (Hair Loss)

Started by RashiidjakoBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 6
Views: 94752
Last post January 06, 2015, 10:14:37 AM
by SomaliDoc
Two Simple And Working Fat Loss techniques that everyone can perform.

Started by Rummy26Board Topics in Healthcare

Replies: 0
Views: 6268
Last post November 26, 2010, 11:10:26 AM
by Rummy26
Dhego Beelid (Hearing Loss)

Started by SomaliDocBoard Cudurrada Guud

Replies: 0
Views: 34404
Last post November 14, 2007, 07:40:48 PM
by SomaliDoc
Viagra could cause hearing loss

Started by YaxyaBoard Health News and Events

Replies: 5
Views: 10785
Last post September 27, 2010, 09:17:31 AM
by Henryroy