Author Topic: Xifdinta Araggaaga (Eye Care)  (Read 25025 times)

0 Members and 1 Guest are viewing this topic.

Offline SomaliDoc

  • Moderator
  • *****
  • Posts: 4709
  • Points: +3/-1
  • Gender: Male
  • Ilaahayow Dal Nabad Qaba iyo Dad Caafimaad Qaba!
    • Somali Medical Association
Xifdinta Araggaaga (Eye Care)
« on: April 12, 2008, 03:15:11 AM »
Waxa muhiim ah baaritaano indhaha ah oo joogto ah, si looga hortago dhaawac aan loo baahnayn oo ka yimaadaa xaalado aan la cilad-sheegin. Waxa muhiim in la cilad-sheego goor hore ilmaha qaba dhibaato aragga ah si looga hortago dhibaatooyin waxbarasho iyo
korniin.
Dadka sida gaarka ah inay u xifdiyeen indhahooda la rabo, waxaa ka mid ah:

• Ilmaha ka yar 16 sannadood,
• Dadka da’da yar ee ka yar 19 sannadood ee ku jira waxbarasho waqti buuxa ah,
• Dadka lagu sheegay guluukooma (glaucoma) ama cadaadis sare oo indhaha ah (ocular hypertension),
• Dadka ka weyn da’da 40 ee leh qaraabo soke oo lagu sheegay guluukooma (glaucoma),
• Dadka lagu sheegay sonkor ama kaadi-macaan,
• Dadka loo diiwaan galiyay arag bar ah ama indho la’aan,

Waxa kale oo jira dhawr siyaabood oo aad ku yareyn kartid waxyeelo indhaha soo gaara:
• Si joogto ah araggaaga ha loo baaro – ugu yaraan shantii sannadood mar. Haddii aad sonkor qabtid waa in araggaaga la baaraa in ka badan intaa.
• Indhahaaga ka ilaali qorraxda. Falaadhaha UV (ultra violet) ee qorraxdu waxay dhaawici karaan aragga indhahaaga sidaa daraadeed waxa muhiim ah inaad gashatid muraayado qorrax oo leh badbaadin UV oo sareysa marka aad u baxaysid dibad qorrax badan.
• Soo ogow haddii qoyskaagu taariikh u leeyahay guluukooma (glaucoma) ama cudur indhaha ah. Waa in araggaaga la baaro labadii sannadoodba mar haddii aad leedahay qaraabe soke oo lagu sheegay guluukooma (glaucoma).
• La soco isbeddelada xagga aragga indhahaaga. Sida ugu dhakhsaha badan ee suurogalka ah u tag Dhakhtarkaaga Guud (GP) haddii aad isku aragtid isbeddelo xagga aragga ah ama xanuun ah gudaha ama wareegga indhahaaga.
• Jooji sigaarka. Dadka sigaarka cabba ayaa saddex jeer uga badan dadka aan cabbin inay yeeshaan caad indhaha ku sameysma iyadoo sababtu tahay kiimikooyin laga helo qiiqa sigaarka.

Wixii su'aalo ah halkaan ku weydii
NHS Direct - SomaliDoc


Abdullahi M. Mahdi waa dhakhtar soomaaliyeed oo ku takhasusay Cudurada Guud (Internal Medicine) Cudurada Faafa (Infectiouse Diseases) iyo Cudurada Dhulalka Kuleylaha (Tropical Medicine), Sidoo kale waa Qoraa si joogto ah bulshada uga wacyi galiyo bogga "SomaliDoc.com" oo uu aasaasay bilawgii sanadka 2007.

Igala Soco:
   


 

Emergency WASH Experts (Coordinator and Specialist level) - Dadaab, Kenya (CARE)

Started by AdminBoard Medical Jobs & Trainings

Replies: 0
Views: 12168
Last post August 09, 2011, 04:37:49 PM
by Admin
SOOL AND SANAAG EMERGENCY LIVELIHOOD PROJECT FINAL EVALUATION, SOMALIA (CARE)

Started by AdminBoard Medical Jobs & Trainings

Replies: 0
Views: 10471
Last post April 14, 2012, 02:05:10 AM
by Admin
Health Care Financing Study Consultant - Save the Children (Puntland)

Started by AdminBoard Medical Jobs & Trainings

Replies: 0
Views: 17230
Last post January 18, 2010, 04:09:25 PM
by Admin
Final Evaluation for Access to Primary Health Care - Consultant (Puntland)

Started by AdminBoard Medical Jobs & Trainings

Replies: 0
Views: 9932
Last post January 25, 2010, 05:09:10 PM
by Admin
BOOK: Health Care Services in Transitional Somalia: Challenges & Recommendations

Started by Waxbaro!Board Other Medical Careers

Replies: 0
Views: 22700
Last post December 22, 2010, 06:25:57 PM
by Waxbaro!