Diseases and Conditions > Cudurrada Caruurta
Qal-qaalinimada iyo Fudeydka Caruurta (ADHD)
(1/1)
SomaliDoc:
Waa maxay Attention Deficit Hyperactivity Disorder?
Attention Deficit Hyperactivity Disorder (ADHD) waa marka dabeecada ilmaha wax ka khaldan yihiin taas oo ku dhacda hal labaatankii ilmoodba. Wuxuuna ku badan yahay wiilasha marka gabdhaha la dhinac dhigo.
Carruurta qabta ADHD waxay qabaan saddex dhibaato:
• Digtooni laáan – feejignaan laáan, hilmaamida awaamiirta, ka tegid shaqo iyo bilaad mid kale iyadoo aan midoodna la dhamayn.
• Salfudayd – aan ka sugin hadalka dadka kale, aan xasiloonayn, khalad samaynta u nugul (sababtoo ah si taxadar leh uma fekeraan intaa aanay ficilka samayn).
• Firfircooni xad-dhaafa, deganaansho laáan joogto ah iyo samaynta dhaqdhaqaaqyo siyaada ah ee gacmaha iyo lugaha ah (in kastoo dhamaan carruuraha qaba ADHD aanay lahayn firfircooni xad-dhaafa).
Dabeecadahaani badanaa si cad ayey uga muuqdaan carruurta qabta ADHD marka la dhinac dhigo kuwa la da’da ah.
Dhibaatooyinka waxaa ku jiri kara kala dhantaalnaan, dhibaato xagga qorshaynta iyo qaabaynta la xiriirta, aan isbedel lahayn, xusuusta gaaban oo ku yar, iyo dhibaato ah in ilmuhu aanu la dhaqmi karin carruurta kale. Arrintaas darteed, ilmaha ADHD qabaa badanaa wuxuu qabaa dhibaato waxbarashada la xiriirta, waxaana laga yaabaa in ilmuhu aanu dugsiga ku fiicnayn.
Fahmida ilmahaaga qaba ADHD
Ilmahaaga qaba ADHD wuxuu u baahan yahay inuu u shaqeeyo si ka badan carruurta xagga taxadarka, isu duwida hawsha, u fekerida si tartiiba iyo qumaati u fariisiga. Qabitaanka ADHD macneheedu maaha in ilmahaagu jiran yahay ama ilmuhu aanu garasho lahayn.
ADHD qofka qabaa wuxuu dareemayaa niyad xumo iyo welwel ku saabsan awoodooda iyo sida kuwa kale u arkaan.
Carruur badan oo qabta ADHD ma fahmaan sababta ay ugu dhaqmayaan sida ay dhaqmayaan, mararka qaarkoodna waxay dareemaan inay gacanta ka bexeen ama keli yihiin. Xaalladani maaha mid ilmahaagu khaladkeeda leeyahay. Sababta saxda ah ee arrintaana weli lama oga.
Calaamadaha iyo astaamaha
ADHD waxaa badanaa la ogaadaa waqtiga ilmuhu yar yahay. Badanaa waxaa garta waalidka, mararka qaarkoodna macalimiinta, mudda dheer ka dib. Dabcan, carruurta dhamaantood waxay leeyihiin taxadar xadadan mararka qaarkoodna waxay sameeyaan waxyaallo aanay ka fekerin.
Carruur aad u yar oo kuwaan ka mid ah ayaa noqon doona kuwa run ahaan u qaba ADHD.
Daryeelida ilmaha qaba ADHD
Hellitaanka ADHD waxaa la samayn karaa keliya marka macluumaad badan la ururiyo.
Astaamuhu waa inay ka muuqdaan dhamaan nolosha ilmaha. Ma jiro hal baaritaan, dhakhtar guud, dhakhtar cilmi nafsi ah oo samayn kara baaritaankaan ama loo bedeli karo.
Carruurta qabta ADHD waxay u baahan yihiin in lagu caawimo dugsiga lana siiyo waxbarasho gaara oo loo qoondayey baahidooda gaarka ah. Waxaa jira farsamooyin kala duwan oo lagu caawimayo ilmahaaga si uu u yeesho feejignaan iyo xirfad bulsho kuwaas oo ay qaabayyeen macalimiin, dhakhaatiirta cilmi nafsiga iyo dad ka socda dugsiga. Waxaa laga yaabaa inay faaiida leedahay tala raadintaadu ama naftaada si lagaaga caawimo sidii aad ugu maarayn lahayd ilmaha guriga.
Daaweyn ayaa badanaa loo isticmaalaa carruurta qabta ADHD, xaalladaha qaarkood guul fiican ayaa laga gaaray.
Baaritaano badan ayaa muujiyey in daawooyinkaani yihiin aamin iyo wax ku ool.
Daawadu maaha mid lagu daaweeyo ADHD, laakiin waxay caawimaysaa in ilmahaagu dugsiga iyo guriga si fiican ugu shaqeeyo. Daaweyntu waxay soo saaraysaa awooda dabiiciga ah ee ilmahaaga waxayna ka caawimaysaa inay sameeyaan istaraatiijiyada kale ee barashada.
Suáallaha guud ee ku saabsan ADHD
ADHD ma ku reebaysaa ilmahaaga raad dambe?
Ilmahaagu ka kori maayo ADHD, in kastoo astaamuhu ka soo ray-yaan marka la weynaado.
Cuntooyinka qaarkood wax isbedel ah ma ku sameeyaan ilmaha?
Carruur aad u yar oo qabta ADHD ayaa ka faaiidaysta cuntooyinka qiyaasan oo aan lahayn midabka iyo ilaaliyayaasha.
Immisa ayaa la wadayaa daawaynta?
Marba haday faaiido keenayso waxay qaadan kartaa bilo ilaa sanado.
Waxaad samayn karto
Carruurta xaalladan ku sugani waxay lumin karaa dulqaadka xubnaha qoyska. Waxaad u baahan tahay inaad isku daydo ka caawimida ilmaha barashada iyo koritaanka maskaxeed, iyo hoos u dhigida jaahwareerka qoyska. Waa muhiim in la ahaado kuwa mawqifkoodu cad yahay, una shaqeeya koox ahaan intii karaankooda ah. Waa muhiim in fasax gaaban laga qaato ilmaha qaba ADHD si nasasha loo hello.
Istaraatiijiyada la raacayo waxaa ka mid ah:
• In la qaato nadaam aan laga leexanayn dhanka dugsiga iyo gurigaba.
• Xasuusi ilmaha nadaamka la raacayo nadaamkaasna ilaali.
• Xasuuso, ilmahaagu ma doonayo isagu inuu qof dhib badan noqdo.
• Ilmahaaga ku dhowow xaqiijina inaad iyaga u soo jeedo marka aad la hadlayso.
• Sii awaamiir hal ama laba jeer.
• Ilmahaaga uga mahad naq waxa fiican ee ay samaynayaan.
• Si wanaagsan u kormeer ilmahaaga maadaama laga yaabo inuu khalad sameeyo.
• Isku day in aadan waxba ka soo qaadin khaladaadka yar.
• Sii amar asluubayn ah oo cad markii khalad dhaco – sida waqtigii waa dhamaaday (marka ilmuhu da’ ahaan u dhexeeyo laba ilaa toban sano) ama waxa dhici kara ee macquul ah carruurta waaweyn.
Waa Maxay Dhakaakuhu "Autims"?
Wixii faahfaahin ah ama su'aalo aad ka qabtid qoraalkaan halkaan ku weydii
http://somalidoc.com
Navigation
[0] Message Index
Go to full version