Somali Medical Forums

Diseases and Conditions => Qaybta Su'aalaha => Topic started by: Abdi21 on September 13, 2015, 02:09:16 AM

Title: Su'aal: Sidee lagu kala saaraa Asmo iyo Boronkiito?
Post by: Abdi21 on September 13, 2015, 02:09:16 AM
asc walaalahayga waxan kala saari la ahay la ii a kala cadeeyn la yahay inaan qabo asmo iyo inaan qabo bronkiito waxaan qaataa daawada asmada calaamadaha burinkitada a waan isku arkaa dhaqtarka markaan tagana waxa ka igu dhahaa asmo ayaa qabtaa ah asmo yar waxan joogaa denmark yaraanteeydii. Urinkiito ayaan qabay dhaqtarka dawada asmada unbuu isiiyaa hadii aan asbuucyo joojiyana waxan dareemaa wax yar yar oo xab sida laastiik oo kale ah markaan qaadanin daawadana xabka yar yar wuu dheeraadaa oo wuu weeynaadaa  sankana wuu ixirmaa biyana wuu iga soo da aa sidii qof hargab qaba shanqartuna ma badna daawada aan qaatana wa  tan la jiido  mar eey TB igu dhacday oo aan daawada TB isticmaalayay 6 bilood marna uma baahan dawadii asmada inta aanan qaadan daawada TB da kahor hadii aan joojiyo dawada asmada 2 asbuuc waxan dareemayay shanqar aad ah diif badan qandho iyo xab sidii hargab oo kale ah cagaarna sii noqonaayo marba marka ka danbeeysa ilaa aan daawada asmada qaatana ma jogsan jirin lkn waxas dawadii TB da kadib iskuma arkin xitaa ilaa 4 bil kadib wax daawo asmo ah uma baahan mark ma asmo ayaan qabaa ma infaction kale ayaan qabaa ma Brunkiito ayaan qabaa ila taliya walaalayaal afkaygana igu baahi tirA mahadsanidiin
Title: Re: Su'aal: Sidee lagu kala saaraa Asmo iyo Boronkiito?
Post by: SomaliDoc on September 13, 2015, 01:54:23 PM
Neefta iyo Boronkiitada waa laba xanuun oo isku eg waxayna ku dhacaan marinnada hawada ay marto ee sanbabada.
Neeftu waa xanuun joogto ah oo muddo badan qofka hayo laakiin boronkiitada waa xanuun soo boodo laakiin joogto ma noqdo, boronkiitada waxay socon kartaa hal usbuuc illaa dhowr usbuuc oo kaliya laakiin neefta waxay jirtaa dhowr sano, waxayna ku xiran tahay wixii ku soo kciyo qofka.

Boronkiitada waxaa keeno jeermis waxaana loo daaweeyaa caabuq ahaan oo antibiotic ayaa la siiyaa qofka, hadduu qofka neefama xiiq qabo, boronkiito way ku dhici kartaa markaasne labada daawo waa la isugu dari karaa maadaama boronkiitada ay neefta sii xumeyn karto.

Markii caabuqa la daaweeyo marinnada hawada caadi ayay ku soo laabtaan, dhinac kale neefta markii loo qaato daawooyinkeeda iyadane isku si ayaa la dareemaa, xabka ama qufaca jiidjiidmayo oo cagaarka ah wuu istaagaa.

Boronkiitada waxay yeelan kartaa qandho, laakiin neefta qandho ma lahan.

Intaa wax ka badan oo aa daigu ku dareemi karto waxa ay ku kala duwan yihiin ma jiraan, dhakhtarka markuu ku wareesto, kadibne feerahaaga uu dhageesto, wuxuu kuu diri doonaa baaritaan lagu fiirinayo inuu caabuq jiro kadibne wuu kuu sheegi karaa xaanuunka nooca uu yahay iyo haddii labadaba markaas ay ku hayaan.

Midda ku saabsan tiibishada, inkastoo tiibishada lagaa daaweyay aanan hubin in ay sax ahayn laakin maadaama daawadu ay tahay daawo xoog badan oo muddo dheer aad qaadatay "6 bilood" waad ka nasan kartaa boronkiitadii kugu soo laalaban jirtay, laakiin neef kuma xirno daawo tibiisho aad qaadatay.

Laakiin haddii boronkiitada aad ka nasatayne muddo gaaban markii daawada tiibishada aad qaadatay, neeftane way kaa maqnaan kartaa haddii neeftaadu ay tahay middii ay kicin jirtay boronkiitada aad qabtid.

Laakiin ogow in daawo qaaxada aanan neef ama boronkiito toona lagu daaweynin.

Waxaan filayaa in aad kala fahantay, haddii faahfaahin dheeraad ah u baahan tahay ama su'aalo kale qabtid waad i soo waydiin kartaa.
Akhriso Neef: http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,351.0.html (http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,351.0.html)
Akhriso Boronkiito: http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,436.0.html (http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,436.0.html)
Akhriso Tiibisho: http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,266.0.html (http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,266.0.html)

http://somalidoc.com (http://somalidoc.com)