Somali Medical Forums

Diseases and Conditions => Qaybta Su'aalaha => Topic started by: Ina haybe on March 20, 2015, 08:53:21 AM

Title: Su'aal: Urtii ayaa sanka ka guurtay caabuq ka dib?
Post by: Ina haybe on March 20, 2015, 08:53:21 AM
S.c wllo walidkay aya so codsaday suuashan marku maclumadka maqlay wllo hooyaday aya yaraanteedi ku dhacay san cabuuq say ii sheegtay dawo fiican may helin barigaas hada waxa damqashi ama xanuun malaha lkn wllo wax  urintiiba ka  ka guurtay oo dalqada melahasay in yara wax ka u risaa lkn sida dadka cadiga aha wax uma uriso awal xanuubka ka hor cadibay dareemada wax uriya u ahaayen hadaba wllo somalia way joogta wax dawoo ah ama urtaas so celinaya ma jiraaan ama xal lo heli karo arinkaas.jazacumulahu khyran
Title: Re: Su'aal: Urtii ayaa sanka ka guurtay caabuq ka dib?
Post by: SomaliDoc on March 21, 2015, 04:37:29 PM
Dhibaatooyinka caabuqa sanka waxaa ka mid ah in dareenka urinta uu ka guuro sanka, waana dhibaato ay ka sheegtaan dadka muddo badan xanuunkaan hayay oo aanan iska daaweynin.

Ma jirto daawo soo celinayso urinta, laakiin waxaa hubsiino u baahan in caabuqaan dartiis urinta u guurtay ama sabab kale oo la xallin karo in ay jirto ee fadlan qofka xanuunsan la xiriirsii takhtar.

Caafimaad baan idiin rajaynayaa.