Somali Medical Forums

Diseases and Conditions => Qaybta Su'aalaha => Topic started by: Salaado cali on March 22, 2015, 06:02:08 PM

Title: Su'aal: Sameecadah dadka dhagoolayasha loo is ticimaalo?
Post by: Salaado cali on March 22, 2015, 06:02:08 PM
Dr asc wrb  salan ka dib dhaqtar waxaan rabaa inaan mowduaan wax kaa waydiiyo illahay hadnak ajir siiyee waxaa jirat 6qof oo famlikayga inay dhumiyeen maqalkoodii 3way is la dhaltay 3way is dhaleen maamo wiilkeedii gabdhiisii uu dhalay waxa dhumeyeen maqalkoodii jiro kaga dhacaday dhagah jiradaas intay haysay ma  dhamo labo week marka way ku maqalyaan lkn waxay rabaan in codka loo dheeryo
marka drta sanado badan ayaa laga joogaa ee xalkoodu muxuu noqonyaa si  maqlkooda loo soo celiyo?
Sameecadah loo is ricimaalo dadka dhagoolada ah waxa iiga sheeg ?
iyo meelah laga heli karo iyo layska soo gadan karo adoo ku qiyaasaya qofka maqalkiisa   heerka uu yahay?
Soomaaliya ma laga heli karaa hadii aan laga helin somliya xagee kalaaa ugu dhow ?
Ma layska dhaxalaa dhagoolnimada ku timaado qofka asgoo qaangaar ah?
Dr hadaan kuu qiyaaso dadooda markuu dhacayey cudarkaan
1=40yrs 2= 29yrs 3=21yrs 4=16yrs 5=10yrs hadana qofka ugu wayn 70yrs qofka ugu yarna waa 16yrs drs please iga caawiya waxa  aad ka fahanteen talo iyo wax qabad intaba jaxakaala qayr
Title: Re: Sameecadah dadka dhagoolayasha loo is ticimaalo
Post by: SomaliDoc on March 30, 2015, 01:50:30 PM
Dhagobeelista aad tilmaantay wax badan ayaa keeni karo, inkastoo aad sheegtay in qoys ku badan yahay, waxay noqon kartaa dhaxal, cudur safmar oo qoyska u keenay dhago-beelista, ama wax ay isticmaaleen oo daawo ama wax kale oo dhagaha jug ka dhigay.

Lama sheegi karo cillada waxa ay tahay, laakiin hadda ka hor qoys 4 caruur sidaa ka noqotay mar aan arkay, waxaan ogaaday in ay qaadan jireen cirbad la yiraahdo "Sterptomycin" oo antibiotic ahaan loo siiyay caruurta iyadoo "Penumonia" looga daaweeyay, taasoo u keentay dhago-beelista.

Midda kale caabuqa dhegta ku dhaco isagane waa la kala qaadi karaa, wuuna keeni karaa maqalka inuu daciifo haddii aan la daaweynin.

Marka si loo ogaado in xal uu jiro waxay ku xiran tahay in aad takhtar E.N.T u geysi oo dhagaha la fiiriyo si loo fahmo cillada waxa keenay iyagane la wareesto, kadibne maqalkooda la cabbiro.

Sameecada codka dheereeyo u malayn maayo in Somalia laga helaayo laakiin waxaad waydiin kartaan takhtaatiirta ku taqasustay cilaldaha dhagaha, iyagaa iiga aqoon badan, laakiin saacadaha qaar waxay u baahan yihiin in qofka lagu cabbiro inta aanan loo dalbin karo hor, in qiyaasta loogu samaynaayo la ogaado, qaar la qaato oo qofka isaga uu kontrooli karo cabirka codkane way jirtaa laakiin laba jeerba waa in takhtar uu kuu qoraa aqoon u leh samaacadahaas.

Taladeyda ugu horreyso waa in aad la xiriirtid dhakhtar E.N.T, weliba baaritaanka lagu hormariyo dadka da'da yar, si ugu horreyn loo ogaado cilalda waxa ay tahay, ma dhaxal baa? ma xanuun infekshan wax uu keenay? mise cillad kalaa jirto? mise la xallin karaa?

Sameecadaha waa laga helaa wadamada dariska la ah soomaaliya....

Caafimaad ayaan idiin rajaynayaa.
Title: Re: Sameecadah dadka dhagoolayasha loo is ticimaalo
Post by: Salaado cali on March 31, 2015, 08:43:16 PM
Jaza kaalah dr taladaada wangsan  waan qaatay lkn dr waxaan rabaa inaan waxa ka ogaado sameecadah kuwe la dheeran karo oo la gaabsan karo inaad waxa iiga sheekto iyo magacoodo qaaska ah
dr waxaan jooga south africa marka ma laga heli karaa thanks in badan
Title: Re: Su'aal: Sameecadah dadka dhagoolayasha loo is ticimaalo?
Post by: SomaliDoc on April 02, 2015, 03:51:41 PM
Sameecadaha waa laga helaa South Africa iyo wadamada ay joogaanba takhaatiirta daaweysa maqal la'aanta, waxaana xarumaha laga helo loo yaqaannaa "Audiology Centers".