Somali Medical Forums

Diseases and Conditions => Qaybta Su'aalaha => Topic started by: Muxiyo on March 05, 2018, 11:19:18 PM

Title: Su'aal: Waxaa la ii soo qoray Daawada Protopic?
Post by: Muxiyo on March 05, 2018, 11:19:18 PM
Asalama calaykum doctors

waad mahadsan tihiin maadaama aad cilmigiina nooga faaiidaynaysaan illaahay dartii

Walaal suaashayda waxay tahay, waxaan isku arkay cadcadaan maqaarkayga gaar ahaan dhinaca lugaha ilaa bawdyaha
markaa dhakhtarka maqaarka ayaan u tegay wuxuuna ii soo qoray daawo dhiiqo ah oo jidhka la marinaayo oo magaceedu yahay
( Protopic %0.03 ), wuxuuna i dhahay mudo bil ah jidhkaaga mari daawadan oo bishaas ka dib ii kaalay.

Hadaba iima sheegin xanuunka i haya oo wuxuu dhahay bil ka dib ayaan kuu sheegaayaa, markaa waxaan rabay daawadan xanuun kaliya miyaa lagu daaweeyaa mise xanuuno badan , maxayse kala yihiin ?

Walaal jawaab ayaan idinka sugaayaa

Title: Re: Su'aal: Waxaa la ii soo qoray Daawada Protopic?
Post by: Akhaa Binu Jowhari on March 07, 2018, 09:26:54 PM
Bismillah,
 Asc dhammaan Bahda caafimaad ee sharafta badan iyo Xubnaha ku taxan Page
 -ka Somalidoc.
 Intaa kadib, waxan jaclaan lahaa in aan jawaab kooban kasiyo, Mid kamid ah Xubnaha Page-ka Somalidoc , intaa uu Dhakhtarka ugu soo jawaabayo.
 
 (Muxiyo) Walal, aan kula wadaago garashadayda:-..........sida aad sheegtay " maxay tahay daawada (PROTOPIC % 0.03), oo dhakhtar ii soo qoray, isla markaas ii sheegin waxa ay tahay iyo cudurka lagu dabiibo" ?
 
 MAXAY TAHAY PROTOPIC OINTMENT?
 
 Protopic ointment, waa nuuc kamid ah, Daawooyinka hoos u dhigga ama yareeya dhaqdhaqaaq ee Difaaca jirka ammune system, isla markas looyiqaanno [immunosuppressants drugs]
 
 QAABKE U EG TAHAY?
 
 Waa Boomaato Cad (white) yara jaalle ah.
 
 MAXA LAGU DAAWEEYAA?
 
 Daawadan waxa lagu daaweeyaa cudurro ku dhaca Maqaarka oo loo yiqaanno, (Eczema) waa xaalad sababta in jirka uu noqdo, mid cun-cun badan, Gudud, ama Casaan, Olol ama hur, hase yeeshe, (Eczema) waa mid nuucyo badan, mid kamid ah sida Atopic Dermatitis, baa jira ..
 Waa cudur ku dhaca maqaarka sare, isla markaas waa mid ku bilawda xilliga yaraanta, 2 jir ilaa Da'da 12 ee loo yiqaano Adolescence, waa xilli u dhexeya Qaangarnimada, waxa kaloo ku dhaca da'kasta...
 Isla markas uu noqon karo chronic Atopic Dermatitis, kaas oo sababa in uu maqaarku uu qolfo yeesho.
 
 CALAAMADAHA LAGU GARTO:
 
 
 Cuncun, barar, jir-hur, guduudasho, isbedel maqaarka ku yimaado, jir-ka oo qalayl, guud ahaan meelaha uu saamaynkaro, waa wejiga, gacmaha ila culculka ama wrist, lugaha, dhabnaha ama camanka, Laablaabka jirka, dhabarka, jilbaha, surka iyo xusullada.
 
 MAXA KEENA CUDURKA?
 
 Waxa keena waxyaabo farabadan, Tusaale
 Oomada, Saabuunta, xaalado quseyaa Beyada ku nooshahay, xiliga qaboobaha, waxyaabo la xariira chemicals iyo Xagga Hidewadeyasha ama Dhaxal xagga waalidka.
 
 SIDEE LOO  BAARAA?
 
 Nidaamka loo baaro,dhakhtarku waxa kugu samaynaya baaris jireed, iyo mid taarikheed, islamarkaas waxa laga qaadaya qolof yar oo jirkaga laga soo gooyey, si looga diro Lap. Ama shaybarka.
 
 SIDEE LOOGA HORTAGI KARAA?
 
 Madaama wax kasta ay u baahan yihiin in lasiyo mudnaantood, qofku waa in uusan u dhawaanin meelaha chemicals yala, deegaanka ku nooshahay in aad la socoto cimiladisa, isbedelka heerkulka, jir qalaylka iyo xirashada dharka suufka ka samaysan, Sigaarka cabbidda, Busta ama boorka Dust, ugu dambeen dhagorta xaywaanka.
 
 FG: daawadu u qaado sida dhakhtarka ku faray.
 
 
 Wabilah Towfiiq.
 
 
 
 
 
 
Title: Re: Su'aal: Waxaa la ii soo qoray Daawada Protopic?
Post by: Muxiyo on March 08, 2018, 04:58:44 AM
Alle miisaanka xasanaadka ha kuugu daro jawaabta aad i siisay, dhakhtarkana waan sugaayaa walaal

walaal laakiin dhakhtarka aan u tagay shaybaad iguma sameen ee lugahayga ayuu eegay lugahayga cadcadaan ayaan isku arkay markaa meesha markaan tusay wuxuu yidhi daawadaan mudo bil ah soo isticmaal ka dibna igu soo laabo .

Hadaba walaal qofka aan shaybaadh loo dirin ma la odhan  karaa xanuunkiisa ma weyna
teeda kale daawada habeenkii markaan seexanaayo ayaan marsadaa oo markaan marsanaayana jidhka meelo kale ayay iga gaadhaa ee wax dhiba ma igu keeni kartaa .

jazakallah khayr
Title: Re: Su'aal: Waxaa la ii soo qoray Daawada Protopic?
Post by: Muxiyo on May 10, 2018, 04:05:59 PM
Asc

Walaal talooyinka aad i siisay way i anfaceen wana iga jaahil saartay cudurkan waad mahadsan tahay , Alle ha ku jeclaado.

Walaal suaL kale ayaan qabaa
Waxaad tidhi :- deegaanka ku nooshahay in aad la socoto cimiladisa, markaa sidee ayaan ula soconaayaa ?

Mobile ka Weatherka ayaa iigu jira ee walaal adigoo mahadsan mar kale jawaab arintan ku saabsan isii.

Jasakallah khayr
Title: Re: Su'aal: Waxaa la ii soo qoray Daawada Protopic?
Post by: Akhaa Binu Jowhari on May 10, 2018, 05:58:52 PM
Asc

Walaal talooyinka aad i siisay way i anfaceen wana iga jaahil saartay cudurkan waad mahadsan tahay , Alle ha ku jeclaado.

Walaal suaL kale ayaan qabaa
Waxaad tidhi :- deegaanka ku nooshahay in aad la socoto cimiladisa, markaa sidee ayaan ula soconaayaa ?

Mobile ka Weatherka ayaa iigu jira ee walaal adigoo mahadsan mar kale jawaab arintan ku saabsan isii.

Jasakallah khayr

Wll, horey baan kugu sheekay daawada u qaado sida dhakhtarka ku faray, een marka kuleeyahay jawiga waa isbedeli karaaa kuleelk, qabowga dadba ku adgtahay bay'adda ay joogaan si ay ula qabsadaan. Sidaa darteeda weatherku aad joogto lasoco, maybe in aysan ku saamaynba, balse iska ilaali sinlight. Qorraxda in aad u badnaato. Anigu dhakhtar ma ahi, een dawada baan odoraysay adiguna fakir kaa siiyey inta aan ogahay, intaa waxii dheer dhakhtarka ka war sugeyna. Waadna mahasan tahaya.


FG: dib u akhriso warbixintii hore, ee hadda kahor kaga hadlay (prevention of eczama)
Title: Re: Su'aal: Waxaa la ii soo qoray Daawada Protopic?
Post by: Muxiyo on May 12, 2018, 01:20:04 PM
Mahadsanid walaal Alle miisaanka xanaadka ha kuugu darro jawaabahaaga.

Dhakhtarkeena SomaliDoc wal waan ka war sugaynaa
Title: Re: Su'aal: Waxaa la ii soo qoray Daawada Protopic?
Post by: SomaliDoc on December 24, 2018, 09:39:16 PM
Daawadaan magaceeda saxda ah waaa la dhahaa "Tacrolimus", waxaana loo qaataa xanuuno badan haba ugu badnaato isbadalka maqaarka ee ka dhasho xasaasiyadda ee loo yaqaano "Atopic Eczema / Atopic Dermatitis", xanuuanda maqaarka ku dhaca waxaa lagu gartaa aragti, uma baahno baaritaan shaybaar iyo wax la mid ah, marka maadaama aanan arkin sawirka cadcadaadka ee aad tilmaantay, ma ogaan karo in cilladaadu Eczema ahayd iyo in kale.