Somali Medical Forums

Diseases and Conditions => Qaybta Su'aalaha => Topic started by: Bahjo on November 16, 2013, 10:43:12 PM

Title: Su'aal: Creamka mad madowga jirka tirtiro?
Post by: Bahjo on November 16, 2013, 10:43:12 PM
                 Salaamu calaykum waraxma

 salan kadib, waxa jeclan laha in dhaqtarka weydiiyo,

 Hadii uu jiro Cream loo isticmaali karo, meelaha jirka ee aadka ugu duwan jirka intiisa kale, yacnii madow gooni ah leh, sida Jilbaha ama Xusulada, kareemkaas oo wax Kimiko laheyn, oo iga baabi,in karo insha Allah.

 In aad iga caawiso jeclaan lahaa, waana idinka mahad celinaa waqtigiina wanagsan aad na siisan. thnks mar walbo.
Title: Re: Su'aal: Creamka mad madowga jirka tirtiro?
Post by: SomaliDoc on December 10, 2013, 02:09:03 PM
Daawo kasta oo badalyso midabka maqaarka way ku jirtaa daawo kiimiko ah, xitaa kuwa la yiraahdo waxay ka samaysan yihiin geedo dabiici ah waa lagu daraa, waxaan kugula talin lahaa in aad iska dayso daawooyinkaas.