Somali Medical Forums

Diseases and Conditions => Qaybta Wacyi Galinta => Topic started by: SomaliDoc on October 12, 2015, 05:38:28 PM

Title: Hargabka Xajka "Hajj Cough"
Post by: SomaliDoc on October 12, 2015, 05:38:28 PM
(http://somalidoc.com/Topics/hargabxaj.png)

Intii soo Hajjisay alle ha ka aqbalo, intii aysan u suurta galine allaha u sahlo sanadka soo socdo.

Intaa ka dib, Sida aan wada ognahay Hajka waxaa lagu tiriyaa meelaha ugu badan dunida ay intaas oo khalqi ah isku imaato, halkaasina waxaa ka dhalan karo in la kala qaado xanuuno u badan kuwa neefsashada ku gudbo.

Waxay dadka badanaa hajka kala soo laabtaan caabuq neef mareenka oo u dhaxeeyo mid fudud iyo mid halis ah oo qofka isbitaal loo jiifin karo.

Baaris lagu sameeyay kumanaan qof oo xajka ka soo laabtay waxaa lagu arkay in dadka badankiis laga helay hergabka uu keeno fayraska loo yaqaano Influenza iyo bakteeriyada keento xanuunka oofwareenka ee "pneumonia".

Badanaa in qofku uu qufac la soo laabto waa arin la fisho, waxayna xarumaha qaar u yaqaanaan araintaa "qufaca xajka ama hargabka xajka"

Sababta uu ugu badan yahayne waxay loo aaneynayaa ciriiriga iyo isku dheefsashada dadka oo aad iskugu dhaw, kuwaas oo si sahlan ku kala qaadi kara xanuunada neefmareenka ku dhaca.

Way dhici kartaa in qofka uu soo qaado xanuunka tiibishada ama qaaxada hadduu qofkaas uu neefsaday hawo leh jeermiska tiibiida.

Waxaa lagu qiyaasaa in boqolkiiba 50% ay la soo laabtaan hargabkaas ama qufaca hajka laga soo qaado, waana muhiim in la ogaado in uu ka duwan yahay hargabka caadiga ah ee qofka ku dhaca isaga oo jooga wadankiisa, sababtuna waxa ay tahay: markii aad joogtid xajka waxaa halis ugu jirtaa in aad neefsatid dhowr jeermis feyras ah oo kala duwan oo intaba hargab keenaan iyo halista in hergabkaas isku badalo caabuq bakteeriyo ah oo aad u badan iyo qofka oo awoodiisa difaaca ay yaraan karto maadaama uu haraad iyo daal ay jirto oo qofka nasiino uusan ku jirin.
Waxaa kaloo dhici karto in feyraska hargabka keeno wadanka aad ku nooshahay inuu jirkaaga difaac u yeeshay oo uu ka adag yahay laakiin mid cusub oo aadan horay u aqoon jirin haddii uu kugu dhaco aad ayaa ula xanuunsan kartaa.

Sidaas awgeed markuu qofka ka soo laabto hajjka hadduu isku sii arko in qandho, qufac iyo xanuun feeraha ay jiraan waa in uu la xiriiraa dhakhtar si loo baaro in xanuunkii uu yahay feyraskii ifilada ama inuu pneumonia isku badalay iyo haddii ay tahayba qaaxo ama wax kalaba.

Dadka xanuunsan ama da'da ah ama qaba cudurrada difaaca yarayn kara way kaga halis badan yihiin caabuqa neefmareenka dadka da'da yar, wayna ka adkaysi yaryihiin.

Fariinta qoraalkaani waxay tahay, haddii aad hajka ka soo laabatid oo aad isku aragtid xanuun aadan horay u qabi jirin ama xanuun kugu xumaaday oo meesha kaa soo raacay in aad dhakhtar ula xiriirtid sida ugu dhakhsiyaha badan inta aysan kaa qaadin xubnaha qoyskaaga ama qaraabada kale ee aad la nooshahay.

Akhriso qoraal ku saabsan "Pneumonia": http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,615.0.html (http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,615.0.html)
Akhriso qoraal ku saabasn Hargabka ama Ifilada: http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,2092.0.html (http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,2092.0.html)
Sidee la isaga daaweyn karaa Hargabka Caadiga ah: http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,6018.0.html (http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,6018.0.html)

Haddii aad su'aalo qabtid iigu soo dir halkaan: http://somalidoc.com/smf/index.php/board,31.0.html (http://somalidoc.com/smf/index.php/board,31.0.html)
http://somalidoc.com (http://somalidoc.com)