Somali Medical Forums

Diseases and Conditions => Qaybta Su'aalaha => Topic started by: Hassan Bile on March 15, 2011, 04:34:08 PM

Title: Su'aal: Daawooyinka la isku cadeeyo , Vitamins-ka?
Post by: Hassan Bile on March 15, 2011, 04:34:08 PM
Waxaan rabaa inaan wax ka ogaado daawooyinka ay dumarka u isticmaalaan iney isku cadeeyaan, qaas ahaan daawooyinka Dermovate and Batnovate, waan ogahay in daawadaas loogu talo galay cudurada maqaarka durationkeedana uu waqti gaaban loogu talo galay, marka isticmaalka daawooyinkaan waqti dheer sanado la isitcmaalo maxaa ka imaan kara, teeda kale waxaa jira dumar kale oo u isticmaala Multivitamins si ay ugu qurxoonaadaan dhalinyarona ugu muuqdaan weliba dumar kaliya maaha ragga qaarkoodna wey ku jiraan ayagana joogto ayey u wadaan sanado, taasna maxaa ka imaan kara.



Mahadsanid
Title: Re: Su'aal: Daawooyinka la isku cadeeyo , Vitamins-ka?
Post by: SomaliDoc on March 17, 2011, 11:20:20 PM
Daawada "Dermovate" waa daawo loogu tala galay in lagu daaweeyo cudurro ka mid ah kuwa maqaarka ku dhaca, waa daawo aan la isticmaalin illaa inuu dhakhtar kuu qoro mooyee.

Laakiin waxaa si sharci darro ah ay haweenka soomaaliyeed u isticmaalaan in la isku cadeeyo iyadoo la isticmaalo muddo dheer loona isticmaalo qaab ka duwan qaabkii daaweynta ahaa.

Dhibaatada ay keensato daawadaan lama tiro koobi karo, markii la bilaabay inay dhakhaatiirta ka digaan isticmaalka kareemkaan waxay ahayd sanadkii 2008,  markii haweenay muddo 7 sano isticmaali jirtay daawadaan ay tagtay isbitaal ku yaallo dalka ingiriiska iyadoo ka cabanayso: miisaankeeda oo sii dhacayo, uur inay yeelan wayday iyo xariiqmo dhaadheer oo jirkeeda ka soo baxay.

Dhakhaatiirtii markay ku wareereen cudurkeeda, ayay waxay markii dambe sheegtay inay si xad dhaaf ah ay u isticmaali jirtay daawada "dermovate".

Badanaa daawooyinka kareemka ah waxaa ku jiro laba maaddoo oo sun ku ah jirka oo kala ah: Steroids iyo hydroxyquinone oo jirka u keeno dhibatooyin aan la soo koobi karin.

Halkaan ka akhriso sheekadii gabadhaan oo ay takhaatiirta ay ka soo saareen digniin ku aadan dadka isticmaalo kareemkaan "Dermovate" iyo sawirrada qofkii isticmaalo qaabka uu noqonaayo.
http://news.bbc.co.uk/2/hi/health/7244374.stm (http://news.bbc.co.uk/2/hi/health/7244374.stm)

Akhriso qoraal aan ku faahfaahinnay dhibaatada daawooyinka la isku caddeeyo iyo nuucyadooda: http://somalidoc.com/smf/index.php?topic=4179.0 (http://somalidoc.com/smf/index.php?topic=4179.0)

Midda fitamiinnada iyadane waa fikrad khaldan oo la aaminsanyahay maxaa yeelay vitamiinnada looma isticmaalo in la isku cadeeyo ee waa daawo loogu tala galay in la siiyo qofkii ay fitamiinnada jirkiisa ay ku yaryihiin, qofkii isagoo fitamiinno aysan ku yarayn joogteeyo isticmaalka fitamiinnada waxaa ku dhaco wax loo yaqaanno "Hyprevitaminosis" oo ah manaheedu yahay in qofku uu ku samoobo fitamiinnadii laftirkooda. Akhriso qoraal ku saabsan isticmaalka fitamiinada iyo waxa ka dhasho: http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,5769.0.html (http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,5769.0.html)

Fikradda ah in fitamiinka uu qofka nuuriyo ama maqaarkiisa uu ifo waa arin jirta laakiin waa haddii sida saxda ah iyo cunooyinka laga helo la cuno ee maahan in daawo ahaan loo qaato. Midda kale fitamiinnada oo dhan maahan kuwa oogada wax u tara ee waa fitamiinnada C iyo E kaliya.

Haddii aad faahfaahin u baahan tahay kusoo gudbi qeybta su'aalaha.
Title: Re: Su'aal: Daawooyinka la isku cadeeyo , Vitamins-ka?
Post by: Hassan Bile on March 18, 2011, 05:29:26 AM
Mahadsanid, waxaan rajaynayaa iney nagu filantahay jawaabtaas qaaliga ah, waana ka faaiideysan doonaa cilmigiina ilaah noogu kiin dhiibey.
Title: Re: Su'aal: Daawooyinka la isku cadeeyo , Vitamins-ka?
Post by: Muna O.Hamari on May 24, 2011, 11:03:02 AM
Inantii Arrinta wax Daaawo Ah ma Heshay Mise Wey Dhinmatey
Title: Re: Su'aal: Daawooyinka la isku cadeeyo , Vitamins-ka?
Post by: Hassan Bile on August 06, 2011, 06:59:56 AM
wey dhimatey