Somali Medical Forums

Diseases and Conditions => Cudurrada Guud => Topic started by: SomaliDoc on December 18, 2015, 09:33:24 PM

Title: Waa Maxay Dildillaaca Carabka, Maxaana keeno?
Post by: SomaliDoc on December 18, 2015, 09:33:24 PM
(http://somalidoc.com/Topics/carabjeex.png)

Carabka wuxuu ka mid yahay meelaha jirka ugu muhiimsan ee ay dhakhaatiirtu warbixin ka raadyaan hadduu qofka uu xanuunsan yahay maadaama cudurro badan ay carabku astaamo gooni ah oo lagu garto u yeelaan.

Isbadallada ku dhaco carabka waxay qofka ku abuuri kartaa welwel hadduusan fikrad buuxda ka haysan waxa ay tahay, sidaas awgeed waxa ugu badan ee dadka ka sheegtaan waa cillada carab dildillaaca ma cara jeexjeexa ama waxa dhakhaatiirta qaar u yaqaanaa "carab qooreedka = Scrotal tongue oo macnahiisu laga wado in carabka uu u ekaado sidii qooraha oo kale"

Dildillaaca carabka da' kasta way ku dhici kartaa laakiin waxay ku badan tahay ragga khaas ahaan wixii xilliga qaangaarka ka dambeeyo.

Dildillaaca carabka badanaa wax dhib ah ma keeno ee si dabiici ah ayuu ku imaan karaa khaas ahaan hadduu qofka dhaxal u leeyahay, dildillaaca heerka uu gaarsiisan yahay iyo carabka dhinaca uu kaga yaallo iyo haddii ay nabro ama barar la socdaan ama afka uu la buko ayay dhakhaatiirtu ku kala gartaan kan dabiiciga ah iyo midka xanuunka uu keneo.

Astaamaha lagu garto carab dildillaaca:
Sidaas awgeed haddii dildilaaca uu la socdo, hambab ama lur, biijo, ama xanuun ama dhaawac ka muuqdo camanka gudahiisa waa in aad dhakhtar la xiriirtaa.
waxa ugu badan ee keena oo dadka qaar kaliya ay isku arkaan waxaa ka mid ah xasaasiyada la xiriirta cunnooyinka dhanaanka iyo kuwa kulul sida basbaaska oo kale.
Marmarka qaar waxaa dhici karto in cunnadu ay ku xannibanto dildillaacaa gudihiisa oo ay keenaan caabuq ama af-ur tanoo u sahlayso in jeermiska bakteeriyada am fangaska ay ku tarmaan.
Akhriso waxa af-urka ama huurada keeno: http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,1610.0.html (http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,1610.0.html)

Badanaa dildillaca carabka waxaa la arkaa markii la waynaado oo caruurta kuma badna, waxaana badanaa ogaado dhakhtarka ilkaha oo loogu tago check-up oo dadka badanaa kuma baraarugaan.

Waxaa kaloo jira xaalad kale oo cilladaan badanaa lagu khaldo taasoo aan jeexjeex carabku ka muuqan, laakiin uu fiiqfiiqan yaha ama hoolan yahay, taasi waxaa loo yaqaanaa "Geogrpahic tongue", waa sidii khariidada oo kale, labada cillad mararka qaar way isla socon karaan, way kala socon karaan.

Cilladda carabka fiiqfiiqan waxa keeno safiican looma oga, laakiin waxyaabo ay xiriir la leedahay ayaa jira sida:
1- Cudurka gaaska iyo laab jeexa, akhriso qoraal ku saabsan arintaas: http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,405.0.html (http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,405.0.html)
2- Fitamiin yarida khaas ahaan nooca "B-ga", hadduu dhakhtarkaagu u maleeyo in fitamiinadaasi ay kugu yaryihin wuxuu kuu qori doonaa fitamiin B complex oo ka kooban dhowrka fitamiin ee lagu daaweeyo dildillaaca carabka, akhriso qoraal ku saabsan cunnada dabiiciga ah ee laga helo fitamiinada iyo dhibaatooynka ay keenaan haddii ay yaraadaan: http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,5781.0.html (http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,5781.0.html)
3- Xasaasiyadda afka, waxaa la arkaa markuu qofka cuno waxyaabo uu Allargy ku yahay, markaas carabka ayaa fiiqfiiqmo, xanuun ayaan la dareemaa markii wax dhanaan ama kulul la cuno, laakiin midka jeexjeexan wax xanuun ah lama dareemo.
4- Nadaafad xumada afka iyo caabuqa ilkaha: akhriso qoraal ku saabsan bololka iyo suuska ilkaha: http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,589.0.html (http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,589.0.html)

Sidee loo daaweeyaa dildillaaca carabka?

Haddii aad su'aal caafimaad rabtid in lagaaga jawaabo iigu soo dir halkaan: http://somalidoc.com/smf/index.php?board=31.0 (http://somalidoc.com/smf/index.php?board=31.0)

http://somalidoc.com (http://somalidoc.com)