Somali Medical Forums

Diseases and Conditions => Qaybta Su'aalaha => Topic started by: Amranqaaali on March 31, 2017, 12:45:52 AM

Title: Su'aal: Markii qabowga lagalo bishimaha way i dildillaacaan?
Post by: Amranqaaali on March 31, 2017, 12:45:52 AM
Asc doctor waxa joga wadan qabow marki qabowga la galo bishimaha wey i dil dilacan sankane dhiig aya iga imado maxa sababay doctor mahasanid
Title: Re: Su'aal: markii qabowga lag alo bishimaha way i dildillaacaan?
Post by: SomaliDoc on July 09, 2017, 09:07:28 PM
Qabawga wato dabeesha waxuu qallajiyaa bishimaha iyo xuubka sanka ku jiro, taasina waxay keentaa in faruuryaha ay dildillaacaan, sankane uu qallalo, kaasoo keenayo in xididada yaryar ee sanka ku jiro inay dillaacaan oo sangoror kugu dhaco, waana arrin dadka badan ay isku arkaan.

Waa muhiim in aad afka daboolatid khaastan haddii aad u baxid qabow dabeel wato, midda kale waa inaad faruuryaha iyo sanka aad marsatid dufan sida saliida xabad sowdada ama macsarada waxay ka hortagaysaa qalleelka nuucaas ah.

Sanka hadduu ku gororo, raac talooyinka ku xusan qoraalkaan: http://somalidoc.com/smf/index.php?topic=1055.0 (http://somalidoc.com/smf/index.php?topic=1055.0)