Somali Medical Forums

Diseases and Conditions => Qaybta Su'aalaha => Topic started by: Muxya62 on June 11, 2020, 09:08:54 AM

Title: Su'aal: Maxaa keena Af urka caruurta yar?
Post by: Muxya62 on June 11, 2020, 09:08:54 AM
Asc wr wb Waan Idin salaamay Dhaqaatiirta halkani ka howlgasha.  Runtii Bulshadu Howl Aad Muhiim u ah Ayaad u haysan Allaha idin barakeeya, Cilmigiinana Allaha idin siyaadsho.

Intaa ka dib Waxaan Rabay Inaan idinla wadaago Arin, Su'aaalna Aan Idinka Weydiiyo; Haduu ilaah idin garansiiyana Aad iiga soo jawaabtan insha allah.

Waxaan Ahay aabe leh hal wiil kaas jiro da'ahaan 1 sano iyo 4 bilood. Aan ilaa hadda socon

ilamahi yar  Waligii caana naas muunan helin waayo hooyadii ayaa Umusha ku xanunsatay kadib sidaa ayaa caana looga waayay Naaska hooyadii waana qadarda alle.

Intaa kadib ilmaha yar wxaa lagu soo koriyay caanaha kalaasta ku jira (caana liidada).

Ilmuhu Waxaynu ku aragnay in Hadii caanaha xoolaha lasiiyo uu marwaliba ku xanuunsanayo oo uu Matag joogda sameynayo, Ugu dambeyna waan ka dhaafnay caanaha xoolaha.

Sikastaba ahaate ilmu marbuu aad u xanusaday kadib isbitaal ayaan geynay waxay inoo shegen in ilmuhu caloosha uu boog ku leeyahay. kadib dawoyin ayay uso qoren xoogaho wuu ku caafimaday .

lkn Maalmahan  Dambe ayaan ku arganay cilad kale oo ah inu Afshir leeyahy yacni neefta afka oo shiiraysa Marka Dr Bal Maxaa keeni kara Afshirka ilmaha yar?
Maxaase lagu daweyn karaa?

Sido kle Cunto Nooce ah ayaa lasiin kara ilmaha sanad & bar jirka ah Si uu jirkiisa Udhismo?

Majiraan Dawoyin Nafaqeysan oo loogu talagalay Caruurta yaryar?


Allaha idin barakeeye Dr
iiga soo jawaaaba su aalaha
Idingo ka tixraacaya xogtan

marlabad waxan idinka codsanaya haduu ilaah idin garansiiyo inad dhakhsa iiso jawaabtan