Somali Medical Forums

Diseases and Conditions => Qaybta Su'aalaha => Topic started by: Abuuqaalid on January 05, 2017, 11:31:56 PM

Title: Su'aal: Faa'ida looska?
Post by: Abuuqaalid on January 05, 2017, 11:31:56 PM
Asc Dr marka waa mahad santihin sidaa sharafta leeh oo aad nooga caawisaan xaga cafimadka su'aasheda waxaa waaye cunista LOOSKA maxay faaido ah ee raga u leedahay
Title: Re: Su'aal: Faa'ida looska?
Post by: SomaliDoc on April 08, 2017, 08:45:32 PM
(http://somalidoc.com/Topics/laws.png)
Lawska wuxuu faa'idooyin badan u leeyahay jirka bini'aadanka, waxaana halkaan idin kugu soo gudbin doonaa faa'idooyin lagu xaqiijiyay cilmibaarisyo kala duwan:


Isticmaalka siyaadada ah ee lawska wuxuu dadka qaar u keenaa xanuunka gaaska, laabjeexa, dadka qaarne waxay ku yihiin Allergy taasoo halis galin karto nolosha qofka.

Haddii aad xasaasiyad ku qabtid lawska fadlan ka fogow isticmaalkiisa, haddii aad xasaasiyad ku qabtid caanaha, hilibka ama digaaga, waxay u badan tahay in aad xasaasiyad ku qabtid Lawska ee iska ilaali.

Waxaad kaloo ka fogaataa lawska duqoobay ama raagay ama muddo la kaydinayay sababtoo ah waxaa lawskaas ku dhasho jeermiska loo yaqaano "Aspergillus flavus" oo halis ku ah caafimaadka beerka.

Haddii aad su'aal caafimaad ah qabtid iigu soo gudbi qeybta su'aalaha: http://somalidoc.com/smf/index.php?board=31.0 (http://somalidoc.com/smf/index.php?board=31.0)
http://somalidoc.com (http://somalidoc.com)
Title: Re: Su'aal: Faa'ida looska?
Post by: Kaltuun on April 10, 2017, 12:15:24 PM
dr hadaan ka daba tago faa idoyinka lowska waxaad sheegtay inuu cayilka ka hor tago balse waxan ku waydiinayaa  cayilka maka bi'inayaa qofka buuran haduu cuno kwrn