Somali Medical Forums
Diseases and Conditions => Qaybta Su'aalaha => Topic started by: Mgargar on January 07, 2017, 03:30:11 PM
-
asc mudanayaal ilaahay ha idin garab ahaadee waad ku mahadsantihiin baraarujinta iyo kaalmaynta shuruud la aanta ah ee bulshada soomaaliyeed u haysaan mudanayaal waxaa iga su aal ah xaaskayga ayaan ilaa 7 sano buro yar oo la dareemayo marka naaska la taabto ku taalaa dushana way usoo baxsantahay gudahana inay kusoo jirto waad arkaysaa waa buro sifiican loo taaban karo lkn ma wayna waana daawaday muuqaalka vedio ga ah ee aad soo dhigteen sidoo kale waa aqristay hal cashar oo aad ka qorteen kansarka naasaha hadaba buradaasi maxay noqon kartaa?
buro kastaa ma kansarbaa ?
buradaas iminka waxay ka dareentaa xoogaa xanuun ah lkn wax is badalah naaska kuma keenin maxaa talo ah ?
dhaqtar aqoon u leh xanuunkan maxaan ku ogaan karaa maadaama oo soomaaliya dadku iska sheegtaan aqoon aanay lahayn ?
haddiise buradaa in laga bixiyo naaskasema ku talin lahaydeen ?
mahadsanidiin ilaahay ha idin waafajiyo markasta xaqqa iyo xusuustiisa.
-
Burooyinka ugu badan ee naaska ka soo baxo ma ahan kansar, waxaana lagu kala ogaan karaa muuqaalka iyo taabashada burada iyo iyadoo la saaro aaladda kumubyuutarka sida Mammogram, Ultrasound ama CT Scan.
Waxaan horay uga hadalnay cashar ku saabsan astaamaha lagu kala garto burooyinka naasaha ka soo baxo iyo xilliyada la isku arko ee halkaan ka akhriso: http://somalidoc.com/smf/index.php?topic=2224.0 (http://somalidoc.com/smf/index.php?topic=2224.0)