Somali Medical Forums

Diseases and Conditions => Qaybta Su'aalaha => Topic started by: Coladdhashe on February 06, 2012, 04:36:32 AM

Title: Su'aal: Markaan cunto cune kor ayay u kacdaa?
Post by: Coladdhashe on February 06, 2012, 04:36:32 AM
salaan ka dib markaan cunto cuno miday donto ha ahaato cuno walba kor ayay iisoo kacdaa waxaa kaloo iga soo baxa afka naqas ur leh ama afkayga qadhmuun ayaan dareema xitaal anoo cadayday waayo wax walba  kor ayay iisoo baxayan wuxuu yahay iyo wixii ah ilahay ha idinka jasaair siiyee
Title: Re: Su'aal: Markaan cunto cune kor ayay u kacdaa?
Post by: SomaliDoc on March 10, 2012, 08:28:20 PM
Haddii cuntada aad cuntid ay kur kuugu soo laabanayso ama daaco badan aad leedahay afka uu si dhakhso ah kuu qurmo waxay u badan tahay in haniyaha u dhaxeeyo caloosha iyo jiidanka in sidii la rabay u shaqaynaynin oo cunnada si sahlan kor ku soo aadi karto.

Waxyaabaha dhaawaca haniyaha (albaabka) u dhaxeeyo caloosha iyo hunguri mareenka waxaa ka mid ah: gaas calooleedka oo qofka laabjeex joogto ah uu ka caban jiray.

Si xaaladaada loo hubiyo waxaad la xiriirtaa takhtar ku taqasusay cudurrada marinka caloosha "Gastroenterologist", baaritaanada laga yaabo in laguu diro waxaa ka mid ah "Endescopy". oo ah tubo afka kaamiro ku wadato oo qofka la laqsiinayo oo lagu eegayo marinka caloosha.
Title: Re: Su'aal: Markaan cunto cune kor ayay u kacdaa?
Post by: Coladdhashe on March 11, 2012, 01:55:37 AM
mahadsanidiin somali doctor walal waxaan leeyahay gaastaric markaa runtii markaan u tago doctarka dawo ayuun buu isiiyaa lkn waxba igama tarayso mar kasta cuntadu kor ayay isoo kacda afkuna ii u qudhma endescoppy waa la isaaray waxay i shegeen gasraric kaliya marka sideen wax iiga badhi aan ku yidhaa mahsadsanid
Title: Re: Su'aal: Markaan cunto cune kor ayay u kacdaa?
Post by: SomaliDoc on April 06, 2012, 07:51:27 PM
Daawo kaliya wax kama tarto gaaska ee cunnada ku dhibto oo gaaska kiciso iska yaray.
Midda kale cunnada hal mar caloosha haka buuxin si aayar ah u cun.
Midda kale markaa jiifsanaysid cunno haka dhargin oo casho badan ha ku seexanin.
Iska ilaali cunnada dufanka leh, dhandhanaanka iyo aashitada iyo khamiirka leh.