Somali Medical Forums
Diseases and Conditions => Qaybta Su'aalaha => Topic started by: Ahlaam Mohamed on February 20, 2016, 07:06:00 PM
-
Dr Allah haydinka Abaal mariyo hawsha fcn aad bulshada u haysaan
Dr waxaan kacabanayaa dry skin saayid ah' ha iigu darnaado xiligaa qabawbaha. siiba cagaha iyo gamcaha oo saayid ii qalafa oo duuduub sameeya waxkasta aan mariyo ma qooyaan. Dr maxaad igu caawinkartaan
Mahadsanidiin
-
(http://somalidoc.com/Topics/kor-qallayl.png)
Kor qallaylka waa cillad aad u badan, waxaana ka sheegto dad badan, waxa ugu badan ee keeno waa qanjirrada maqaarka ee saliidda soo saaro oo shaqada yareeyo ama howlgabo, waxaa ku xigga isbadallada cimillada uu qofka ku nool yahay, sida dabaysha iyo qabowga siyaadada ah.
Meelaha ugu badan ee laga dareemo kor qallaylka waa gacmaha iyo lugaha.
Waxaa jiro kareemyo kala duwan oo loo adeegsado in jirka qallaylka looga yareeyo, laakiin waxaan idin la wadaagayaa 7-da cunno ee ugu caansan oo maqaarka qallaylka ka yareeyo, waxayna u kala horreeyaan sidatan:
- Biyaha: waa waxa ugu horreeya oo jirka ka ilaaliyo qallaylka, halkaan ka akhriso qoraal ku saabsan faa'idooyinka biyaha: http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,5971.0.html (http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,5971.0.html)
- Avocado: Waa faakiho ku ahaan subkinta jirka iyo tinta, waxay caan ku tahay fitamiin C iyo E, waxayna ugu horreysaa cunnooyinka lagul taliyo dadka kor qallaylka qabo, waxaana ku badan saliidda caafimaadka leh
- Qumbaha: saliidiisa waxaad marsan kartaa korka, waana saliid caafimaad leh, cunista am cabista biyaha qumbahane wuxuu yareeyaa qallaylka maqaarka, waxaa kaloo intaa dheer in saliida qumbaha ay leedahay awood jeermis dil, waxay kaloo qofka ku yaraysaa jacaylka cunista sonkorta, sidaas awgeed dad badan ayaa u isticmaala is caataynta, marka waa faakiho la cuni karo, la cabi karo, lana marsan karo.
- Kalluunka Yuumbiga: kalluunkaan waxaa aad ugu badan saliidda loo yaqaano "Omega 3" waxaana ls iku waafaqsan yahay inuu ku yareeyo maqaarka waxyaabaha keeno inuu dhaawac ku samaysmo, wuxuu kaluu yareeyaa hambabka iyo hurka maqaarka, wuxuuna kordhiyaa saliidda maqaarka, wuxuu ugu horreeyaa cannada maqaarka u fiican.
- Bataati macaanka: waxaa ku badan saliida omega 3, bootaasiyam, fitamiinada A, B, C iyo E, waxaa kaloo ku badan walxo caafimaadka u roon oo loo yaqaano "beta-carotene" iyo "anthocyanin", wuxuu yareeyaa halista cudurrada ku dhaco maqaarka, wadna, isbadalka duqnimada ee maqaarka iyo caadka indhaha, aan ku dadaalno cunista bataati macaanka.
- Lowska iyo Yicibta: iyagane waxay ku jiraan liiska maqaarka u roon, waxay yareeyaan qallaylka, waxaana sida bataati macaanka ku badan saliida faa'idada leh ee "Omega 3", fitamiin A, B iyo E, dadka aadka u cuno lowska, maqaarkoodu wuu ka caafimaad badan yahay dadka kale sida lagu arkay cilmibaaris caafimaad.
- Koostada: waxay ku jritaa cunnada looga hortago qallaylka: Akhriso qoraal aan ka diyaarinnay: http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,6452.0.html (http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,6452.0.html)
Akhriso qoraal ku saabsan Waji Saliidka: http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,6339.0.html (http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,6339.0.html)
Haddii aad su'aalo caafimaad qabtid iigu soo dir qeybta su'aalaha: http://somalidoc.com/smf/index.php/board,31.0.html (http://somalidoc.com/smf/index.php/board,31.0.html)
http://somalidoc.com (http://somalidoc.com)