Somali Medical Forums

Diseases and Conditions => Qaybta Su'aalaha => Topic started by: Baasaale1515 on February 21, 2016, 08:07:51 AM

Title: Su'aal: Shaaha Liinta lagu darsado muxuu faaido leeyahay
Post by: Baasaale1515 on February 21, 2016, 08:07:51 AM
Asc, waxan  rabaa inan ogaado Shaaxa iyo Liinta la isku daro caafimaad ahaan waxa laga faaido caafimaad ahaan
Title: Re: Su'aal: Shaaha Liinta lagu darsado muxuu faaido leeyahay
Post by: SomaliDoc on February 28, 2016, 01:22:08 PM
(http://somalidoc.com/Topics/shaahliin.png)

Waxaan kaga hadlayaa jawaabtaan sababta liin dhanaanta loogu darsado shaaha iyo faa'idada ay ku siyaadiso, horay waxaan uga hadalnay shaaha, noocyadiisa iyo faa'idooyinkiisa caafimaad ee halkaan ka daalaco: http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,4270.0.html (http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,4270.0.html)

Maadaama badanaa shaahu uusan lahayn wax nafaqo tamar leh oo qofka miisaan ku kordhiyo waxaa lagu daraa sokor iyo caano, kuwaas oo qofka siiyo tamar nafaqo leh "calories", sidaas darteed shaaha kaligiis hadduu qof joogteeyo kuma cayilo, laakiin hadduu sokor iyo caano ku darsado wuu ku cayilaa, waana meesha ay ka timid fikradda ah in hooyada umusha ah loogu dadaalo shaah caano leh!.

Hadduu qofka uusan rabin sokor iyo caano inuu shaaha ku cabo, uuna rabo in shaahane uu faa'ido nafaqeed ka helo, waxaa lagu taliyaa in lagu daro liin dhanaan, sababtoo ah liin dhanaantu waxay kobcisaa oo siyaadisaa faa'idooyinka kale ee laga dhaxlo shaaha kuwaas oo ah awood sunsaarista "Anti-oxidant", tan oo jirka ku caawiso siduu isaga saari lahaa wixii aan nacfi ugu jirin, waxyaabahaan oo halis ku ah caafimaadka wadnaha iyo dadka qabo macaanka.

Liinta waxaa kaloo ka buuxo macdan iyo fitamiin kuwaas oo ay ka mid tahay folate, bootaasiyam, magnesiyam iyo fitamiinka loo yaqaano "thiamine", marka waxaa la ogaaday haddii liinta lagu daro shaaha, faa'idooyinkaas way sii bataan markii liinta iyo shaaha isla falgalaan, waana sababta loogu taliyo in shaaha iyo liinta la isku daro, wuxuuna aad u sii fiican yahay hadduu shaaha sokor iyo caano lahayn.

Waxaa jirto diraasad la sameeyay oo lagu ogaaday markii shaaheena caadiga ah lagu daro liin dhanaanta in faa'idada laga helayo ay u dhaw dahay faa'idada shaaha cagaaran, marka haddii aadan heli karin shaaha cagaaran, ku darso liin dhanaan shaaheena gaduudan, akhriso qoraal aan uga hadalnay faa'idooyinka shaaha cagaaran: http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,6210.0.html (http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,6210.0.html)

Waxay kaloo diraaso lagu sameeyay dalka jarmalka lagu ogaaday in caanaha ku jiraan walxo loo yaqaano "caseins" kuwaanoo hoos u dhiga awoodda sunsaarita "anti-oxidants" e laga helo shaaha, marka inta caano lagu darsan lahaa, halagu badalo liin dhanaan taasoo awoodda shaaha sii laba jibaarayso.

Dadka aadka u jecel cabista shaaha, oo hadane raba inay miisaan ridaan ama sokor qaba waxaa lagula taliyaa in sokorta badalkeeda shaaha lagu darsado liin dhanaanta, maadaama eebe ku abuuray liinta sokor dabiici ah oo macaanka waxba u dhibaynin, laguna cayilaynin.!!

Sidaas darteed haddii aad ka mid tahay dadka liinta ku darsado shaaha, maanta wixii ka dambeeyo macno gooni ah hakuu yeelato, inkastoo dad badan oo dabci u tahay laakiin aan fahansanayn faa'idadaas inay jiro, dadkaasne hala la wadaago qoraalkaan si ay ugu sii dadaalaan dabcigaas wanaagsan.

Haddii aad su'aalo caafimaad ah qabtid iigu soo dir qeybta su'aalaha: http://somalidoc.com/smf/index.php/board,31.0.html (http://somalidoc.com/smf/index.php/board,31.0.html)
http://somalidoc.com (http://somalidoc.com)