Somali Medical Forums

Diseases and Conditions => Qaybta Wacyi Galinta => Topic started by: SomaliDoc on March 29, 2016, 05:20:04 PM

Title: Faa'idooyinka Caafimaad ee Geedka Baamiyaha?
Post by: SomaliDoc on March 29, 2016, 05:20:04 PM
(http://somalidoc.com/Topics/baamiyo.png)

Maanta qoraalkeenu waa geedka loo yaqaano "Baamiyaha", Luqadda english-kane lagu dhaho "Okra", Badanaa suugada ayaa lagu kariyaa, sidiisane waa loo uumiyaa oo waa la cunaa, wuxuuna leeyahay dhareer jiidjiidmayo, wuxuuna ka mid yahay geedo daaweedyada cilmibaarista lagu sameeyay, wuxuuna leeyahay faa'idooyinkaan soo socdo:

Sidee loo isticmaalaa Baamiyaha markii daawo ahaan loo qaadanayo?
Markii la wareestay dadka ku daawoobay, waxay sheegeen in qaabkaan ay u isticmaaleen, dhowr meel oo lagu xusayo in qaabkaan loo adeegsadane waan arkay, waana sidatan:
5 xabo oo baamiyo ah, ka goy afka hore iyo afka dambe, kadib u jar qaab dheerdheer, kadib ku rid biyo kulul oo ku kari muddo 5 daqiiqo ah,kadibna la dhig isla digsigaas ama saxankaas habeenkii oo idil, subaxii markaa soo toostid, cab biyahaas baamiyuhu ku milmay, kadibna isaga cun, ugu yaraan waa in aad sidaa samayso 10 maalmood, si aad wax iskaga garato. dad badan oo sidaan sameeyay waxay sheegeen in sokorta ko kontarooleen, xanuuanda lafaha iyo kalagoysyadane inay kaga caafimaadeen.

Waxaa la sheegaa in baamiyuhu uu leeyahay faa'idooyin intaa ka badan, laakiin kuwa aan kor ku soo xusay waa faa'idooyin la isku waafaqay, laguna arkay cilmibaarisyo dhowr ah.
Inkastoo soomaalidu badanaa u aaminsanayd in baamiyuhu u fiican yahay kalagoysyada, laakiin cilmibaaristaan waa mid cusub oo awal laguma waafaqsanayn soomaalida iyo hindida oo ku daawayn jiray Tufta, Riixa iyo Lafo-xanuunka.

Akhriso Faa'idooyinka Caafimaad ee Kabajka: http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,6666.0.html (http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,6666.0.html)
Akhriso Faa'idooyinka caafimaad ee Korootada: http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,5745.0.html (http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,5745.0.html)
Akhriso Faa'idooyinka caafimaad ee Koostada: http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,6452.0.html (http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,6452.0.html)

Haddii aad su'aalo caafimaad ah qabtid iigu soo dir qeybta su'aalaha: http://somalidoc.com/smf/index.php/board,31.0.html (http://somalidoc.com/smf/index.php/board,31.0.html)
http://somalidoc.com (http://somalidoc.com)