Somali Medical Forums

Diseases and Conditions => Qaybta Wacyi Galinta => Topic started by: SomaliDoc on May 28, 2016, 02:24:14 AM

Title: Huruuda iyo Caafimaadka (Qoraal Cilmibaaris)
Post by: SomaliDoc on May 28, 2016, 02:24:14 AM
(http://somalidoc.com/Topics/huruud.png)

Bismillahi..

Ilaahay ayaa mahad oo idil u sugnaatay oo dunida ku beeray geedo daawo xambaarsan, maanta casharkeenu waa dhir kale oo qiimo badan ku fadhiso laakiin nasiib xumo dadkeena aysan aqoon badan u lahayn, iyagoo beeran kara hadane aysan beeran.

Waa geedka "HURUUDKA".

Huruudka waxaa lagu tiriyaa geedaha ugu caansan dhinaca daaweynta iyo ka hortagga cudurro dunida dhibaato badan ku hayo, waa geed aad loo diraaseeyay illaa iyo haddane la qiyaasayo in laga diyaariyay in ka bada 6,000 oo cilmibaaris qiimo leh "Peer-reviewed articles".

Cilmibaarradaas qaarkood waxay sheegeen inuu geedkaan gali karo badalka illaa 10 daawo oo maanta dunida aad looga isticmaalo.

Marka hore aan ku bilaabo cudurrada ay cilmibaaradaas badankood isku raaceen inuu daawo u yahay:


Maxaa kaloo huruuda loo isticmaalaa?
Huruuda waxaa loo adeegsada qurxinta jirka, taasoo aad looga adeegsado wadankeena, waxay ifisaa maqaarka, waxay yaraysaa findoobka iyo nabarada wajiga ka soo baxo.
Waxaa kaloo huruuda loo isticmaalaa carfinta cuntada iyo midabaynta cuntada, inkastoo dadkeena qaarkood ay cuntada ka ilaashadaan in ay u isticmaalaan.

Huruuda wadankeena ma laga helaa?
Huruuda asalkeeda waxay ka timid dalka Hindiya, halkaas ayaana dunida badankeed looga dhoofiyaa, laakiin wadamo badan oo beertay ayaa jira, taariikhda huruuda markii laga sheekaynayo waxaa la sheegaa wadankii ugu horeeyay ee la geeyo wuxuu ahaa dalka shiinaha "CHINA", waxaa ku xigay oo la geeyay bariga africa oo la sheego inay timid waqti ku aadan 700 sano ka hor dhalashada nabi ciise, markaasoo doomo lagu keeni jiray xeebaha bariga africa, sidaas ayaana loogu beeray.

Soomaaliya waxay ka mid tahay dhulalka Huruuda ay ka bixi karto, haddii taariikhda la fiiriyane waa lagu beeri jiray, laakiin nasiib xumo, waxaa hadda lagu beeraa wadamada dariska aan dhahay oo noolaga keenaa iyadoo budo ah, sida ethiopia, kenya illaa Sudan waa lagu beeraa.

Dadka xiiseeyo beerashada geedaha daawada leh khaasatan qolooyinka keenay geedka "Moringa" waxaan kula talin lahaa in la bilaabo beerashada huruuda oo la qiyaasayo in dhulkeena ay ka soo bixi karto huruud tayo leh, akhriso cudurrada lagu daaweeyo geedka Moringa oo ay soomaalidu u bixsay kun-daawoole: http://somalidoc.com/smf/index.php?topic=6093.0 (http://somalidoc.com/smf/index.php?topic=6093.0) .

Sidee loo isticmaalaa Huruuda?
Huruuda iyadoo qalalan iyo iyadoo qoyan intaba waa la isticmaalaa, faa'idadane waxay ku badan tahay midda fresh-ka ah oo qoyan ama isla markaas la shiiday, cunis iyo cabitaan intaba waa loo isticmaalaa, waxaa jirta siyaabo kala duwan oo loo isticmaalo waxaana ugu caansan qaababkaan:

Dad badan ayaa geedkaan ku qaladay Zanjabiilka ee fadlan halkaan ka akhriso Sanjabiilka iyo Caafimaadka laga helo: http://somalidoc.com/smf/index.php?topic=6530.0 (http://somalidoc.com/smf/index.php?topic=6530.0)
Waxay kaloo dadka isku qaldaan Huruuda iyo Sacfaraanka, wa labo geed oo kala duwan english-kane waxaa lagu kala dhahaa "Turmeric" oo huruuda ah iyo "Saffron" oo sacfaraanka ah.

Haddii aad su'aal ka qabtid qoraalkaan ama faahfaahin u baahan tahay isla hoos ku waydii ama ku soo gudib qeybta su'aalaha: http://somalidoc.com/smf/index.php?board=31.0 (http://somalidoc.com/smf/index.php?board=31.0)
http://somalidoc.com (http://somalidoc.com)