Somali Medical Forums

Diseases and Conditions => Qaybta Su'aalaha => Topic started by: A/qadir Abdi on August 13, 2016, 11:42:24 AM

Title: Su'aal: Maxay indhahaygu la ilmeeyaan markaan ka hadlo arimaha qaar?
Post by: A/qadir Abdi on August 13, 2016, 11:42:24 AM
Asc Dr.
Waxa jira Dr. in in dhahaygu ilmo burqadaan mararka qaar oo ay ka mid tahay markaan u hadlayo si serious ah. Tusaale ahaan markaan kala hadlayo waalidkayga Arimaha qoyskeena oo ama mararka qaar aan gar sheeganayo oo aan serious ah u hadlayo way igu dhacdaa, markaa Dr. idinkoo mahadsan arinkaaaa inaad si faah faahsan iiga jawabtan ayan jeclan laha,

Mahadsanidiin
Qeyr ALLAh ha idin siiyo
Title: Re: Maxay indhahaygu la ilmeeyaan markaan ka hadlo arimaha qaar?
Post by: SomaliDoc on October 13, 2016, 09:34:11 AM
Arintani waa dabiici, dad badane way isku arkaan markay ka hadlayaan arrimo aad u kicinayo dareenkooda sida xanaaqa, yasidda, niyad jabka iyo wixii la mid ah, waana wax la xiriiro qaabka uu u shaqeeyo habdhiska neerfaha, marka qofka dareemo dareen niyada kicinayo weliba markuu hadlayo waxaa neerfaha qaarkood ee loo yaqaano "parasympathetic nerves" ay soo daayaan dheecaan loo yaqaano "Acetylcholine", dheecaankaas markuu jirka ku bato wuxuu ka shaqeysiiyaa qanjirrada soo daayo ilinta sidaas ayayn indhaha ilin ku soo istaagtaa, qofkane wuu ilmeeyaa, dadka qaar waxay is dhahaan wuu oyn rabaa, laakiin ma ahan ilintii oohinta.

Waxaa ku istaajin kartaa ilinta adigoo si qoto dheer u neefsado ama isku daydid halaaqyo, ilinta sidaas badanaa way ku istaagtaa.
Wax dhibaato ah ma lahan, haka welwelin, waxay tilmaamaysaa kaliya inaa tahay qof dareenkiisu si sahlan ku kici karo, lana caadifoon karo dhacdooyinka ku hareeraysan.