Somali Medical Forums

Diseases and Conditions => Qaybta Su'aalaha => Topic started by: Koos axmed on May 06, 2018, 02:03:55 PM

Title: Su'aal: Sunta lagu buufiyo beeraha iyo kansark?
Post by: Koos axmed on May 06, 2018, 02:03:55 PM
Asalaamu calaykum, dr waxaan rabaa arin iwalaac galisay inaan wax kaa waydiiyo,maalin dhawayd waxaan akhrinaayay qolyo warbixin ay soo dhigeen ooy ku sheegeen inay tahay cilmi baaris la sameeyay oo sheegaysa waxyaabaha sababa kansarka waxaana ka mid ahaa sunta lugu buufiyo beeraha ee cayayaanka qudaarta beerahaas kasoo go'da inay caruurta ukeeni karto ccudurkaas,waxaana la ogyahay beeraha hadaan caya yaanka laga buufinin beertu way dhimanaysaa taas maxaa cilmi ah ood iiga faaiidayn kartaa haday jirto maxaa lagu xalinaa.
Mida kale ee ka mid ahayd waxaa waaye kajabka ay caruurtu jecelyihiin ayadana waxay dheheen waa khatar aniga cunug yar oo ii joogana cunto kasta oo uu cunaayo hadaan kajab lagu darin ma cunaayo ayada maxaa ka jira.
Mahadsanid
Title: Re: Su'aal: Sunta lagu buufiyo beeraha iyo kansark?
Post by: SomaliDoc on December 24, 2018, 09:16:28 PM
Waa arrin jirta in sunta beeraha lagu buufiyo aysan caafimaadka u roonayn, xiriirne la leedahay xanunka kansarka, laakiin waa caruurta ku ag nool beerahaas la buufiyay, waxaa kaloo lagu la dardaarmaa dadka dalagga beerahaas ka soo go'ay isticmaalo inay iska dhaqaan oo aysan sideeda ku cunin, haddii sidaas la yeelo insha'llah dhib ma imaanayo. diraasadasne waxaad ka akhrisan kartaa halkaan: https://www.ncbi.nlm.nih.gov/pmc/articles/PMC2659586/ (https://www.ncbi.nlm.nih.gov/pmc/articles/PMC2659586/)

Ketchup-ka isticmaalkiisa waxaa ka caafimaad roon yaanyada dabiiciga ah sababtoo waxaa lagu soo daraa sokor, cusbo iyo corn syrup wax la dhaho, inkastoo caruurta ay jecel yihiin meel walbane laga isticmaalo, laakiin badanaa caruurtaada kula dadaal waxyaabaha dabiiciga ah.