Somali Medical Forums

Diseases and Conditions => Qaybta Su'aalaha => Topic started by: Muniit on December 18, 2017, 04:57:43 PM

Title: Su'aal: Maqaarka ilmaha yar oo cadcad yeeshta?
Post by: Muniit on December 18, 2017, 04:57:43 PM
?????? ????? ????? ???? ??????
 Salaan kadib ilaahey ha'idin lagarab galo hawsha adag eed bulshada u haysaan
Waxaan qabaa su'aal Ku saabsan maqaarka ilmaha dhashtey
2016/ bishii actobar waxaan dhaley gabadh anoo 8bilood ah leyga fooliyey infarction awgii 5bari waxaye Ku jirtey dhalo huuris ah
7cisho kabacdi waxaa isbadaley maqaarkeeda isagoo cadcad yeeshtey kabilaabmey feedhaha hadana wajiga foodiisa kaas oo sii fidaayey dhakhtarka markaan Ku celiyey waxa uu dhahay waxa laga yaabaa in ey keentey dhalada ama uu yahay fangas boomaato ayuu isiiyey soo mar idhahay waxa uu ahaa mid sii fida cadaankaas meesha uu kasoo durkeyna tiix jismigeeda u eg soo galo 2bilood iyadoo jirta ayey dhimatey alx

Hada bishii 11/28waxaan dhaley gabadh saacado kadib markey dhaltey  sidii ookale ayuu maqaarkeedo noqdey dhakhtarkaan Ku dhaley markan waxa uu yiri waxa cudur ah ma'ahan 21cisho ayey jirtaa hada waanuu sii fidayaa cadaanku

Markaa dhakhtar maxaa keeni karo?
Infarction ka hooyada markey uurka leedey ma'ugudbinkartaa ilmaha ama gaaska caloosha oo aad iigu kaco markaan uurka leeyahay madhibi karaa maqaarkii ilmaha?

Waxaan sugaa waa jwbta insha Allah
Title: Re: Su'aal: Maqaarka ilmaha yar oo cadcad yeeshta?
Post by: SomaliDoc on December 03, 2018, 04:31:37 PM
Xanuunada maqaarka ku dhaco waxaa lagu gartaa aragti ee fadlan qeybta farriimaha ee Facebook ku soo dir sawirka nuunaha si talo lagaaga siiyo. Allaha kuu caafiyo

Laakiin haddii cunugta qandho lahayn, neefsigeedu dabiici yahay, naasne nuugayso, miisaankeeduna koraayo, wax dhib ah oo isbadalka maqaarka u keenayo ma jiro, cadcadaad yaryar oo qoorta, xabadka iyo wajiga caruurta uga samaysmo way jiraan waxaana keeno huurka, waxaa lagu la taliyaa hooayda in nuunaha u qabayso, dharka badanne ka dayso haddii cimilladu kulul yihiin. sidoo kale waxaa keeni kara xasaasiyadda haddii ilmuhu kaneeco cuntay oo ay qaniinyadeeda xasaasiyad ka qaadaan.